Kenya Oo Amar Ku Siisay UNHCR Inay Saddex Bilood Gudahood Ku Xidho Xeryaha Qaxoontiga Soomaalida

Nairobi, (SLP)- Dawladda Kenya ayaa muddo saddex bilood ah u qabatay hay’adda UNHCR inay ku xidho dhamaan xeryaha qaxoontiga dalkaas ee Soomaalidu ku jirto.

Waxaanay dawladda ku hanjabtay dawladda Kenya haddii ay muddadaas ku xidhi waydo UNHCR inay dawlad ahaan qasab ku xidhi doonaan.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa dalbaday in xeryahaas loo raro dhinaca xadka ee gudaha ee gudaha Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay inay go’aankaas ku wargeliyeen hay’adda qaxoontiga ka shaqeysa ee UNHCR.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 148 qof, kuwaasoo lagu dilay jaamacad ku taalla magaaladaas oo ay Al-shabaab weerar ku qaadeen, waxaanay u badnaayeen dadkaas dhintay ardaydii dhiganaysay jaamacadaas.

Dhadhab

Dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay tuhunsantahay in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab loo adeegsado xarun ay AL-shabaab weerarada ka soo agaasimaan.

UNHCR oo maamusha xeryahaasi oo ay ku jiraan nus malyuun qof oo Soomaali u badan wali arrintani kama aysan hadlin.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office