KDQ oo war ka soo saaray Natiijooyinka Hordhaca 9 Degmo-doorasho oo la shaaciyey

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee JSL, ayaa qoraal ay kaga hadleen natiijooyinka Hordhaca ah ee Degmo-doorashooyinka ilaa immika la shaaciyey oo tiradoodu dhan tahay 9 degmo ku baahiyey website-kooda iyo bogagga ay ku leeyihiin baraha Bulshada.

Guddiga Doorashooyinku waxa ay sheegeen inay shaaciyeen natiijooyinka codbixinta Sagaalka degmo-doorasho, kuwa kalena lagu gudo-jiro diyaarinta natiijooyinkooda rasmiga ah, waxaanay shacabka, warbaahinta iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqeen inay muujiyaan samir iyo masuuliyad isla markaana ka war-sugaan guddiga doorashooyinka.

Qoraalka Guddiga Doorashooyinka ayaa u qornaa sidan:- “Waxaa ilaa hadda si rasmiya Komishanka Doorashooyinka Qaranku Natiijadooda #hordhaca ah soo saaray Degmooyinka: 1. Saylac, 2. Lughaya, 3. Sallaxley, 4. Buuhoodle, 5. Laascaanood, 6. Xudun, 7. Taleex, 8. Gar-adag & 9. Sheekh. Degmooyinka kale wali waa lagu gudo jiraa diyaarinta #Natiijadooda.

#KDQ isagoo raacaya Xeerka Doorashadda, isla markaana tixgalinaya Xaqa Musharixiintu u leeyihiin in si habsami leh loogu tiriyo, la isugu geeyo loona sugo codadkooda iyada oo lala shaqeynayo Wakiiladda Axsaabta Qaran lana raacayo Xeerka Doorashadda & Habraacyadiisa ayaa uu culayska iyo muhiimadaba siinayaa habsami-usocodka hawlaha culus ee uu gacanta ku hayo, isagoo ka fogaanaya fool-eris iyo degdeg aan daruuri ahayn. Qaranka JSL waxa uu isagoo isku duuban u banbaxay hirgalin hannaan doorashooyin iyo dimoqraadiyadeed qaangaadh ah.

Geedigaas waxaa gadhwadeen iyo fuliyeba ka ah una madaxbannaan KDQ. Sidaas daraadeed, dhammaanteen Shacbi, Axsaab, Xukuumad, Bulsho-rayid ah, Warbaahin, waxaa innagu wada waajib ah dulqaad, deganaan iyo midnimo in lagu afmeero Doorashadii Isku-sidkanayd ee noqotay Mucjisadii muujisey bislaanshaha iyo baaxada dimoqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayuu lagu sheegay qoraalka Guddiga Doorashooyinka.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa ilaa hadda hoggaaminaya kuraasta uu ka helay sagaalka Degmo-doorasho ee la shaaciyey kuwaas oo wadarta guud ee tirada kuraastoodu noqonayso 89 Kursi.

Xisbiga Kulmiye ayaa ku guulaystay 42 Kursi, halka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ka helay 26 Kursi. Xisbiga UCID-na waxa uu ku guulaystay 18 Kursi.

Natiijada Hordhaca ah ee 9-ka Degmo-doorasho ee la shaaciyey

Shaxda Hoose kaga Bogo sida ay xisbiyadu ugu kala guulaysteen kuraasida Lixda degmo-doorasho.