Jeneraal lagu dilay Qarax ka dhacay Jaamacada Qaahira

Qahira(SLPOST)Jeneraal ka tirsan ciidamada Booliiska ayaa ku dhintay sadex qarax oo ka dhacay irida hore ee Jaamacada Qaahira ee caasimada dalkaasi Masar.

QaraxJaamacadaQaahi

Weerarkan ayaan la aqoon cida geysatay waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen 4 qof oo kale.

Qaraxyadan ayaa dhacay xili goobtaasi ay isku horfadhiyeen ciidamada amaanka iyo ardayda jaamacada oo dhigayey banaanbax ka dhan ah militariga dalka Masar.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa ku eedaysay qaraxyadan kooxo argagaxiso ah oo ay sheegeen inay ku dhexjiraan ardayda jaamacada dhigata ee bilihii lasoo dhaafay banaanbaxyo ka waday nawaaxiga jaamacada Qaahira.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland