Stockholm (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa talaabada Madaxweyne Siilaanyo dalka Turkiga ugu bandhigay inay ka caawiyaan dhismaha waddada Ceerigaabo ku tilmaamay cadaadis mucaaradku ku khasbeen xukuumadda inaanay haboonayn in laga dhagax-dhigo waddo aan dhaqaale loo haynin.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo dhaweeyey tallaabada madaxweyne Siilaanyo dawladda Turkiga ugu bandhigay inay ka taageerto dhaqaalaha ku baxay dhismaha waddada Ceerigaabo, haseyeeshee waxa uu tallaabadaas ku tilmaamay mid ay mucaaradku suurto-galiyeen ka dib markii ay xukuumadda cadaadis ku saareen dhaliilo ay ugu jeediyeen inaanay micno u samaynaynin shacabka in la dhagax-dhigo waddo aan la awoodi Karin dhaqaalaheeda.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhanka kale xisbiga talada haya ee Kulmiye ku tilmaamay xisbi ay hoggaankiisa hayaan rag aqoon leh balse ay la yaabban yihiin sababta ku kalliftay inay ka tallaabsadaan Shuruucda dalka u dejisan.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu arrimahaas ka hadlay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay wakhti uu ka ambabaxayey Madaarka caalamiga ah ee Arlanda International Airport ee Magaalada Stockholm halkaas oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ku sii jeedeen Magaalada Helsinki ee waddanka Finland.
Murashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID waxa uu wax lagu qoslo ku tilmaamay in Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inay ku jiraan Rag aqoon iyo karti badan haddana lagu tuhmayo dafiraadda sharciga jabiyeen ee Golaha Deegaanka.
Jamaal Cali Xuseen oo ugu horreyn ka hadlay aragtida xisbigooda UCID ee la xidhiidha socdaalka madaxweynaha ee dalka Turkiga, waxa uu yidhi, “Waan ku hambalyeynaynaa talaabada ay qaaday dawladeenu inay maanta Caalamka iyo waddamada aynu Saaxiibka nahay loo raadiyo dhaqaalaha lagu dhisayo waddada Ceerigaabo oo aan dhagax beena dadka lagu jaahwareerin,”ayuu yidhi Murashaxa Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
Jamaal Cali oo ka hadlayey warar ku xidhiidhiyey in Xisbigoodu liddi ku yahay dhismaha waddada Ceerigaabo, waxa uu sheegay inaanay marnaba diiddin dhismaha waddada Ceerigaabo, balse ay ka soo horjeedeen in shacabka lagu dawakhiyo dhagax-dhigga waddo aan dhaqaalaheeda la haynin, waxa uu yidhi, “Anagu maanaan diidin in waddada la dhiso ee waxaanu diidnay in la dhagax-dhigo wado aan shilin loo hayn iyo culayska la saaray dadka danyarta ah. Talaabadan uu madaxweyne Axmed Maxmed Siilaanyo uu dalka Turkiga kaga dalbaday inay ka caawiyaan dhismaha Waddada Ceerigaabo waa cadaadis ka yimi xagga mucaaridka oo si toosa ugu sheegay in dhagax-been ah marba meel la dhigin ee Xukuumadu ka dhabayso hawsha.”
Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay inaan la dafiri-karin in Maayarkii iyo Xubno ka mid Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera ay ku biireen Xisbi-Xaakimka oo uu ku eedeeyey inay ku tunteen shuruucdii golayaasha deegaanka dalka, “Waa wax lagu qoslo Xisbiga Kulmiye oo ay ku jiraan Ragg aqoon iyo karti badan lagu tuhmaayey inay sharci jabinta ay sameeyeen iyo sharciga ay ku tunteen ay ku tilmaamaan wanjalaad iyo dafiraad cad oo ay ku dafirayaan Munaasibaddii aanay u kala hadhin xukuumad iyo Xisbi-xaakim ee ay ku baxday lacagtii ummada ee dhamayd kontanka kun ee doollar ee qaabka sharciga Dawladaha Hoose dhaafsiisan maalinta cad ugu sheegeen inay hantiyeen xildhibaanno ka soo jeeda Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid iyo Waliba Maayarka Magaalada Berbera maaha wax la dafiri-karo,”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Somalilandpost.info/Hargeysa
contact@somalilandpost.net