Jacaylkii Dhallin-habaabay

Markii aan jaamacadda ka soo baxay, waxaan beegsaday halkii uu iga xigay gaadhigii jaamacaddu. Baskii ayaan soo raacay, cabbaar ayuu ila soo xiimay. Hadda xaafadahii ayaan joogaa. Waxaan arkay wiil aannu saaxiib nahay, oo aannaan muddo is arag. Wuxuu ka yimid jaamacad dalka China ah. Muddo is ma aannaan arag. Laabta ayaannu is gashanay. Si boholyow leh ayaannu isu xog-waraysannay. Sheeko ayaa na dhex martay.

Wuxuu iiga warramay layaabkiisa sheeko. “Habeen ayaan xaflad tegay. Waxaan wada soconnay asxaabtayda. Xafladda waxa loo qabanaayey saaxiibkay iyo sowjadiisa. Waa xaflad si layaab leh loo agaasimay oo si qurux badan loo habeeyay, indhuhuna aanay ka digo-roganayn ama aanay ka didayn. Caksigeed se ay si cuddon kuu soo jiidanayso. Indhaha ayaan ku biniiniyay goobtan ashqaraarka ah. Hore ayaan u sii socdey. Taygiina sii adkaystay, hadba dhinac jalleecay. Meel ay innamo si koox ah isugu urursadeen ayaan u baqoolay. Yaga ayaanan u tegay.

Xafladdii ayaa bilaabmatay. Meeshii ayaa dayaantay, sidii caadada ahayd. Waxaan maqlayaa hadba dhawaaq yar oo hoos u yaalla. Saddex jeer baan maqlay. Waxaan eegey xaggayga dambe. Waaba se qureysh qurux Eebbe ku mannaystay. Isha ayaan si kiis iska waal ah ugu xaday. Quruxda Alle siiyay ayaan ku yar hakaday. Nafta ayaan nasiimo uga dhigay. Caraf udgoon oo hawadu dhankayga u soo qaadaysay ayaa i saaqday mar kaleeto. Haddana waxaan daymooday lebbiskeeda, waaba kii u dambeeyay. Meel daran lay taabay. Jidhidhico ayaa iga kacday. Masxadkii hadba ka shaqeysiiyay. Dareenkayguna cirka ku sii ganmay. Waan ka sii jeestay markaan qiyaastay in ay tahay inantu inantaa hadlaysa.

Xafladdii marba marka ka sii dambaysay way igu sii dheeraatay, waqtiguna wuu is xawaare jarayaa. Hadaba xafladdii ayaa qofkii ugu dambeeyay u hambalyeeyay xafladdii loo qabtey saaxiibkay iyo dumaashiday. Waxa la soo gunaanaday, xafladda lugtii hore. Waxa la bilaabey qoob-ka-ciyaarkii iyo damashaadkii xafladda. Hal mar baa lagu ururay heestii Cawaale, waa la wada kacay, waxa la bilaabey habkii jaaska iyo heesihii loogu talagalay xafladda. Intaan istaagay ayaan qoor- jalleecay, dhankii markii hore yartu fadhiday. Mise waaba inantii oo iyana halkii uun fadhida. Qalbigaa i xukumoo yidhi: “Halkaa qabo.”

U hoggaansamay isna sii daayay. Dhankii jowharaddaan u dhaqaaqay, afkii baan kala waaxay. Kelmado qiimo badan ayaan ku saalamay, salaantii islaamkiyo ereyo laabta lulayaan isku raacshey. Way ii soo jawaabtoo i tidhi: ”Oh! My dear brother, soo dhawoow.” Sheeko sii dheer baa na sii dhex martey. “Magacaa walaalo?” “Magaceygu waa ‘Xubbi’, adna walaallo?” “Anigana walaalo ‘Guuleed’.” “Walaalo halkeed ka timid Xubbi?” “Walaalo Ingiriiska, waxaan joogaaba labaatan cisho waanan noqon rabaa next time. Adna walaalo Guuleed halkeed ka timid?” “Walaalo anigu jaamacad China ah. Waxaan joogaa bil. waanan noqon rabaa aniga qudhaydu.” “Walaalo wallaahay ‘fuck somali’ kuma maqlayaan markaad suuqa marayso way ku jiidhayaan, laakiin adigu waad ka yara duwan tahay, oo waa intaa aad ka maqan tahay huunno.” “Mahadsanid walaalo insha Allah waynu soo wada xidhiidhi doonaa intaynu wada joogno, igu reeb telkaaga Xubbiyeey.” “Walaalo aan ku sheegee waa 4******. Sow walaalo ma isticmashid Whatsapp-ka, facebook-ga soomaalidaa waashay, mid wal oo soo galaaba wuu isticmaala reermiyi iyo reer magaalba ee anigu ma isticmaalee.” “Walaalo haa, insha Allah telefoonkaaga iyo Whatsapp-ka waan kaa la soo xidhiidhi iminkana waa 12:00-kii habeennimo ee

 xaafadii ma ku sii gaadhsiiyaa gaadhaan wataaye.” “Maxaan ku diidi, inna keen walaalo.” “Walaalo xaafaddii waan ku keenee nabad ahow.” “See you again Gulied.” “Ok Qaali-luula.”

Habeenkii waannu kala seexannay, subaxdii dambe ayay I soo wacday yartii. Xubbi waxay ku hadleysaa luuqada afka qalaad, waan rumaystay markaan arkay sida safeexa ah ee ay ugu hadlayso luuqadda. In ay ka timid qurbaha waxaan kula hadlay xooga af-ingiriisi ah. Waxaan ku wada ballannay suuqa. Galabtii markaannu is aragnay indhaha qabax is kaga siinay. Waa Deero Mall meeshan aan ku kulannay. Xubi markiiba waxay tidhi: “Walaalo Hargeysa meelaha ugu wacani waxay u dhigmaan kharaabadaha xaggaa.” Anna idhi: “Walaalo mindheyn mahee halkaa naga hubi”. Way ku dhaaratay. Annagoon wada fadhiisan ayaa waxaannu is aragnay wiil aannu saaxiib nahay, waannu i salaamay. “Waar Guuleed khayr sheeg.” “Nabad saxiib.” “Walaalo Xubbi adna khayr sheeg.” “Khayr walaalo.”

Xubi waxay hore iigu sheegtay in aysan magaalada qofna ka aqoon, waxa igu soo dhacday, saw kuwa is yaqaanna saaxiibkay. Wuxuu igu yidhi: “Saaxiib waan ku salaamayaa waa inno mar kale.” “Ok! Hawraasan saaxiib” baan idhi. Xubi ayaan soo jalleecay, waaba iyadoo is bedeshay wejigana is dhex-galineysa, inay wax jiraan waan dareemay. “Walaalo Xubi maxaa ku daaray?” Waxay iigu jawaab celisay Xubi: “Walaalo waan sii soconayaa telefoon baa igu soo dhacee.” “Ok!” baan idhi. Shaw sheekadaba la ma socdee, is nabaadiinaynay isna sii sagootinnay Xubbi.

Saaxiibkay baanu is aragnay. “Saaxiib maad is taqaaniin Xubbi?” ayaan isla judhiiba ku warsaday. “Haa sxb.” “Halkaad isku barteen?” ayaan sii raaciyay anigoo wardoon ah. “Saaxiib xaafadaha gudhac-dheer bay waligeedba joogtay. Maxaad iga weydiinaysaa?” ayuu i su’aalay. Inta aanan uga jawaabin ayaan haddana ladh igu taagnaa ku celiyay, oo ku idhi: “Saaxiib qurbaha maanay yartu ka iman?” Wuxuu iigu jawaabay: “Saaxiib maya, waligeedba halkan bay joogtay!!!” Amakaagay isla jeerkaasna yaab dhammaystay. Taleefankeedi gacanta ayaan garaacay markiiba, wuuba xidhan yahay. Whatsapp-kii iyo skype-kiibaan eegay, mise way i block-garaysay!! Cajiib! Sidaas oo abadi ah ayay iigu talogashay malaa. Qalbi aan illoobayni waakan igu jira. Jacaylkaan u qaadayna waakan i haya. Anigu waanigan dibad-wareegga haatan ah, ayamaa labadayada nabsi ka galaya jacaylka tolow?

 Naasir Haaji Cabdi Cawed (Suldaan) Hargaysa, Somaliland.