Jacaylka Iyo Duruufaha Nolashu Ha Is Barteen

Gumaystayaasha maskaxda waxa ka mida dumarka, waa tii Soomaalidii hore tidhi Naago nin ay ledgaan kama kacaan, dabeecada ragga iyo dumarku aad bay u kala duwan yihiin, dumarku waxa ay nafiska ka helaan in la dhagaysto oo aan la qancin, oo sheekadu iska socoto, halka ninku uu doonayo in sheekadu dhamaato oo xal laga gaadho arrinka marka taagan, isaga oo bardaaminaya miisaanka arrinka iyo wakhtiga uu u baahan yahay in laga hadlo iyo in xal dagadaga la raadiyo. Ninku waxa uu jecel yahay marka hawluhu ku adag yihiin in uu gooni nafta ula shawro, halka ruuxa dumari doonayso in hadalo macaan ay mar kasta ka maqasho saygeeda run iyo been

ta ay doonto ha ahaato ama farriin in uu u soo diro, sababtu gabadhu waxa ay doonisaa in ay ogaato in aad iyada ka fikirayso xitaa xilliga shaqada aad masaariifta reerka soo dhacsanayso, waxa ay jeceshahay in ay farriin kaa hesho muujinaysa in aad maskaxda ku hayso, tani gabadha waa ay u laab qaboojisaa, waxa aanay uga dhigan tahay in aanad hablo kale ku mashquulin iyada oo laga yaabo waxa aad ku mashquulsan tahayba in ay tahay hawl adduunyo oo dhib badan. Marka arrinku uu yahay in maskaxdaada iyo waxa aad ka fikiriso in la maamulo, ma waxa jira gumaysta ka wayn qofka doonaya mar kasta in uu isteerinka ku hayo, hadda arrinka jacaylku waa uu ka duwan yahay, Jacaylka waxa ugu horeeya in daacad la isu ahaado la isna aamino, la isna ixtiraamo, nolosha dhibta badan ee dadka duruufaha adduunyada la lagdamayaa ay tahay in la isla qabto oo la istaageero.

Dumarka shaqaysta badan koodu ma aaminaan ragga oo waxa tusaale ku gu filan gabadhu haddii ay ka dakhli badan tahay ninka qaba, waxa ay jeceshahay inta yar ee ninka in lagu noolaado oo ay ku dirqido in uu soo kordhiyo iyada oo aan oggolayn in ay wax ku darsato biilka in kasta oo ay dhacdo si dadban in ay wax ugu bixiso danta qoyska, way ka duwan tahay haddii ay ka quusato wax tarka ninka oo ay markaa gabadhu u xaydato daryeelka reerka, gabadha xaaladan ku dhacda waxba kama sugto ninka oo iyada ayaa dhabarka ku qaada dhibta iyo daryeelka reerka oo dhan, waa sida ay u badan yihiin dumarka dan yarta ah ee aan raggoodu waxtarka buuran lahayn ee laga yaabo in waayuhu ragga dabreed ama dabinka balwadaha liita ay ku dhaceen sida qaadka. Laakiin ma aha qofka an ka hadlayaa qoftan Muuska carruurta ku korisa laakiin waxa aan u jeeda dumarka dhalin yarta ah ee wax bartay waxa ay daawadaan musalsalo dad dhargay oo casharada laga gunto aan nolosha dalkeena ee liidata iyo dhalinyarta dirqu ku noosha ah ee guurka hawaysata aan lagu dabaqi karin. Dumarku waxa ay ka mid yihiin gumaysta qarsoon ee rag badan dartood u waashay, siday ugu ciyaarayeen kolba shuruud ugu xidhayeen ee ay u xiijinayeen, marka aad dumarka ku soo dhawaato waa ay kaa fogaanisaa oo kolba waxa ay jecel yihiin wixii ka maqan, Soomaaliduna waxa ay tidhaa midho gunti ku jira midho geed saaran looma qubo.

Mukurka dumarku iyo in la maaweeliyo rag badan waxa ay bareen beenta iyo mar walba in u filin dhigo si uu uga qosliyo, xiisana ugu abuuro, mar dhaw marka la is guursado sheekadu waxa ay tagisaa xaqaa’iq biyo kama dhibcaana, oo maaweelo socon mayso oo waxa loo baahan yahay in xaqaa’iqa la waajaho, nolosha dhabta ahna la iska caabiyo, tusaale ahaan waxa laga yaabaa in ninka dhalinyarta ahi uu kolba baabuur cusub soo kiraysto xilliga haasaawaha, casho fiicana ay hudheelada ka wada cunaan. Marka la is guursado ee guri la tago waxa meesha imanaya kiradii guriga, laydhkii, biyihii iyo masaariiftii qoyska, kolkaa hawshu way badanisaa, gabadhiina waxa ay is odhanisaa ninkiiba ku nacay markii aad aqal gasheen laakiin ma aha jacayl gudhay ee duruufo cusub baa yimid meesha, xisaabtuna

way is badalisaa, laakiin hadii uu ninku gabadha hagrado kaasi waa mid baas ee bal gabadhu ha hubsano waxa isbadalay. Waxa laga yaabaa gabadha aad sheekaysataan in ay jeceshahay baabuurka quruxda badan ee aad wadato, balka ka waran haddii baabuurki la waayo, waxa dhici doonta in jacaylkuba baabuurka uu raaco oo inantu qalbi jabto, xiisahiina uu gudho mudo yar gudaheen. Bal ka waran haddii ninka dhalinyarta ahi uu wax walba runta ka sheego, waxa dhici karta in ay diido gabadha uu markaa ku xawilan yahay laakiin waxa la ga yaabaa mid ka qurux badan oo tii hore ka fiicani in ay ku gu raacdo runta iyo xaaladada dhabta ah, marka sabankan cusub ee immika la gu jiro shaqayn mayso maahmaahdii ahayd Dumarka been ku soo xero geli runa ku dhaq, waagaa hore gabadha marka la guursado waxa ceeb ahayd in la furo bulshada dhexdeeda, markaa haddii aad si uun ku soo xero galiso, waxa la hubay in ay ku xasili doonto gurigeeda, waxa ay ahayd dhif iyo naadir in la arko gabadh la soo furay, haddii ay dhacdana hablaha waa laga qarin jiray si aanay u sadhayn, immika haddii aad been ku soo xero galiso waxa ay odhan doontaa ma lafbaa i jabaysa hadii la i furo iyo xaaji degdeg oo isna hore uga dhiibi doona warqada, haddii reerku siddaas dhibta yar ku burburo jacaylki xaguu maray, soo filim Hindi mu ahayn iyo la’aantaa ma seexdo, xisaabta dib ha loogu noqdo rag iyo dumarba haddii kale isku soo carar iyo kala yaac waa ina daan wayne.

Hassan Hussein Abdi ‘Haidaro’