Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Sare ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in shirweynaha Xisbiga ee dhawaan la muddeeyey qabsoomiddiisa aanay waxba iska beddelin, isla markaana wakhtigan lagu gudo-jiro diyaar-garowga ay guddida qaban-qaabadu ugu jirto diyaarinta ajandaha iyo Qorsheyaasha Shirka.
Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye oo daba-socda baaq uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici kulan deg-deg ah isugu yeedhay guddida Fulinta ee Xisbiga, ayaa sheegay in guddoomiyaha Xisbiga oo kali ahi go’aamin karo kulan ama fadhi laysugu yeedho Guddida Fulinta isla markaana ay sharciga baalmarsan tahay waraaqda uu madaxweyne ku-xigeenku isugu yeedhay, waxaanu hoggaanka xisbigu guddida Fulinta ugu baaqay inaanu shirkaasi waafaqsanayn shuruucda iyo xeerarka Xisbiga.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, kaas oo u qornaa sidan: “Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:
1. In la doortay Guddoonkii Guddiga oo kala ah;Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen
2. Waxay diyaariyeen xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga
3. Waxay magacaabeen Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada
4. Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii (work plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.
Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah, shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.
Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.
Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.
Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo ka gudbay marxalado badan oo hore. Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin.”
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici), ayaa war-saxaafadeed uu xalay soo saaray kulan deg-deg ah oo gurigiisa loo qorsheeyey isugu yeedhay guddida fulinta ee Xisbiga, isaga oo waraaqda uu ku shaaciyey yeedhmada Guddiga fulinta ku kala dhantaalay hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee uu doonayay inay goob-joog ka ahaadaan kulankaas, waxaanu ku soo qaatay waraaqdiisaas inay goob-joog ka ahaanayaan Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye Xildhibaan Waabeeye iyo guddoomiye ku-xigeenka 3aad Cabdiraxmaan Talyanle. Waxaanay arrintani soo shaac-saartay dhaq-dhaqaaqyo ay durba bilaabeen shakhsiyaad hunguri kaga jiro hoggaaminta iyo murashaxnimada xisbiga, wejigii koowaad ee loolankana siyaasadeed lagaga adkaaday, balse wakhtigan quud-darraynaya inay tushuush siyaasadeed ku furaan shirweynaha qaban-qabaabadiisu socoto ee masiirka xisbiga Kulmiye iyo taagerayaashiisu ku xidhan yihiin.
XIGASHO: Hawdmedia.com