Haweenka Hargeysa oo soo bandhigay Cududda taageero ee ay u hayaan Maayar SOLTELCO

Hargeysa (SLpost)- Haween-weynaha Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta muujiyey cududda taageero ee ay u hayaan Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo xilligan ka mid ah murashaxiinta u tartamaysa Doorashada Golaha deegaanka ee Caasimadda.

Haweenka reer Hargeysa oo munaasibad ay duqa caasimadda taageero ugu muujinayaan ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay ballan-qaadeen inay codkooda la barbar istaagi doonaan isla markaana soo saari doonaan Maayar Soltelco si mar loogu doorto guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Hargeysa.

Munaasibadda oo gelinkii dambe ee maanta ku qabsoontay Hargeysa, waxa ka qayb-galay Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, masuuliyiin ka socday Xisbiga Kulmiye, Haweenka taageerada u muujiyey Maayarka iyo marti-sharaf kale.

Warkan oo faahfaahsan iyo Hadalladii laga jeediyey munaasibadda kaga bogo Muuqaalka Hoose


Maayar Soltelco oo munaasibadda ka hadlay, waxa uu is-barbardhig ku sameeyey wax-qabadyo uu sheegay inuu ka hirgeliyey caasimadda muddo sagaal sanno ku dhow oo uu xilka hayey iyo wax-qabadyada u qorshaysan ee uu damacsan yahay inuu ka fuliyo caasimadda Hargeysa haddii uu ku guulaysto inuu mar kale ku soo baxo doorashada Golaha Deegaanka iyo xilka Maayarnimada Caasimadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net