Hargeysa: Wasiir ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo oo Geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta Hargeysa ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaraddii Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-ga ee Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Marxuum Aadan Axmed Warsame, waxaana geerida marxuumka ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha, ayaa lagu sheegay inuu marxuumku ahaa siyaasi door muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiskii dalka, waxaanu madaxweynuhu tacsi u diray qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabkii uu marxuumku ka geeriyooday.

Marxuum Aadan Axmed Warsame

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Aadan Axmed Warsame, wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee xukuumaddii madaxweyne Silaanyo oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 06/01/2020, magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweyuhu u diray qoyska, ehelka iyo qaraabada Marxuumku ka baxay.

Allah ha u naxariistee Marxuum Aadan Axmed Warsame oo madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha sannadkii 2013-dii, ayaa xilka wasaaraddaas lagaga qaaday wareegto uu madaxweynuhu soo saaray bishii June ee sannadkii 2014-tii

Marxuum Aadan Axmed Warsame oo ka hadlayey munaasibad uu xilka wasaaraddaas ugu wareejinayey wasiirkii xilligaas loo soo magacaabay oo ahaa Cali Xaamud Jibriil, waxa uu munaasibadda ka sheegay inaanu wax war ah ka haynin markii hore ee loo soo magacaabayey xilka wasaaraddaas iyo markii dambe ee xilka laga qaadayey.

“Markii Xilka la ii dhiibayay waxaa la ii sheegay oo la iigu bushaareeyay Labadii anigoo Gurigayga hurda, markii dambe ee la iga qaadayna anigoo Labadii hurda ayaa la ii soo sheegay, markaa Mucjisooyinkaasi ayuu lahaa xilkaygu,” sidaas ayuu yidhi Allah haw naxariistee Marxuum Aadan Axmed Warsame oo xilligaas ka hadlayey munaasibaddii uu xilka ku wareejinayey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net