Somaliland: Shaqsiyaad Diinta Kiristaanka Faafinayay oo la qab-qabtay

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba qof oo lagu eedeeyey inay gudaha dalka ku faafinayeen Diinta Kiristaanka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska JSL, ahna taliyaha ciidamada Dambi-baadhista Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay inay Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta u gudbiyeen laba qof oo ku eedaysan inay Somaliland ka wadeen hawl-gallo ay ku faafinayeen Diinta Kiristaanka, kuwaas oo uu sheegay in lagu soo qab-qabtay hawl-gallo ciidamada Boolisku sameeyeen todobaadkii hore.

Taliyuhu waxa uu sheegay in labada Qofba yihiin murtidiin ka baxay Diinta Islaamka, isla markaana Xiftisan Qur’aanka iyo Axkaamta oo ay uga faa’idaysanayeen inay ku khal-khal geliyaan Caqiidada Bulshada isla markaana ku faafiyaan Diinta Kiristaanka.

Hadalka Taliyaha oo Faahfaahin ka bixinaya dadka arrintan loo hayo, kaga bogo muuqaalka Hoose