Hargeysa: Maxkamad Go’aan ka soo saartay Dacwad loo haystay Bilaal Bulshaawi

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta go’aan ka soo saartay eedaymo loo haystay wiil lagu Magaacabo Bilaal Bulshaawi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada gaar ahaan barta Tiktok, ayaa muuqaal sawir qaldan ka bixinaya ka baahiyey mid ka mid ah meherada laga shaaheeyo ee Hargeysa, isagoo muuqaalka ku muujiyey astaanta Calanka Soomaaliya oo uu ku been-abuuray.

Wiilka dhalinyarada ah oo muddo bilo ku dhow ku xidhnaa Hargeysa, ayaa Maxkamaddu go’aamisay in loo mastaafuriyo dalkiisa muddo 48 saacadood gudahood ah.

Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela oo u doodayey wiilka dhalinyarada ah, ayaa saxaafadda u sheegay in Maxkamaddu dacwadiisu ku dhawaaqday, go’aamisayna in muddadaas gudaheeda lagaga saaro dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hore u sheegay inuu aqbalay codsi loogu gudbiyey in xorriyaddiisa loo soo celiyo Bilaal Bulshaawi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net