HARGEYSA: Ku Dhawaad 50 Arday oo ku Dhaawacmay Dab ka kacay Goob Waxbarasho

 

Hargeysa (SLpost)- Sideed iyo afartan qof oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen Dab baaxaddiisa weyn tahay oo qabsaday Machadka lagu barto culuumta Diinta Islaamka ee Daarul Dacwa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska ee Caasimadda Hargeysa oo goobta ka hawlgalay ayaa soo samata-bixiyey ardaydii ku xannibka xarunta dugsiga, kuwaas oo dhammaantood la gaadhsiiyay cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Ardayda oo isugu jirtay 40 dumar ah iyo 8 rag ah ayaa dhaawacyo ka soo gaadhen dabka qabsaday dugsigooda. Sida oo kale waxa dhaawac soo gaadhay askari ka tirsan Ciidanka Dab-demiska xilli uu ku gudo-jiray samata-bixinta ardayda ku jiray dhismaha dabku ka kacay.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan
Sawaaxili, Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed oo gaadhay goobta dugsiga dabku qabsaday ku yaallo, ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan shacabka u soo jeediyeen inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo haddii Dab ka kaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada Ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.

Machadka Dacwa waxaa dhiganayay 250 arday xilliga dabku ka kacay, waxaanu ka kooban yahay Dhisme ka samaysan laba dabaq oo kala ah 20 qol iyo masaajid.

Ardayda dhaawacu soo gaadheen, waxay waxyeellada soo gaadhay ka dhalatay daadgurayntii ay ka soo daadanayeen dabaqa sare, ka hor intii aanu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas, halka qaarkood ku neef-qabatoobeen qiiqii Dabka ka dhashay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net