Hargeysa: Koboca Horumarka Dhaqan-dhaqaale ee Caasimadda iyo Hoteel Casri ah oo laga furay

 

Iyadoo maalinba maalinta ku xigta uu sii kordhayo Horumarka iyo hirgelinta mashaariicda gun-dhigga u ah adeegyada Bulshada iyo Koboca dhaqaalaha ee muwaadiniinta iyo dowladduba ka hirgelinayaan guud ahaan dalka, waxa uu meelaha ugu horreeya ee horumarka iyo isbeddelka ballaadhan ka socda ka mid ah caasimadda Qaranka ee Hargeysa oo lagu tilmaamo magaalooyinka ugu koboca badan Bariga qaaradda Afrika marka laga eego dhinacyada Ganacsiga, Dhismeyaasha iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Waxa Sannadihii u dambeeyey isa soo tarayey Maalgeshiga ay Muwaadiniinta Qurbejoogga ah iyo kuwa qol-qol jooga ahiba ka hirgelinayaan dalka, gaar ahaan caasimadda Somaliland, hadday tahay Wershado, Meherado Ganacsi, Hoteello iyo goobo kale oo si weyn qayb-qaata wax-soo-saarka dalka, koboca dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Haddaba, waxa Khamiistii shalay Badhtamaha magaalada Hargeysa xadhigga lagaga jaray Hotel loogu magac-daray Aadan Xaashi Hotel, Restaurant and Parking oo adeegyada uu bixinayo isugu jiraan Hotel La seexdo, mid laga cunteeyo iyo goob loogu talo-galay Parking-ka baabuurta taas oo kaabiga ku haysa Jidka Wadnaha ee caasimadda oo mashquulkeeda oo uu wax bada katari doono.

Munaasibad loo qabtay furitaanka Hotelka Aadan Xaashi oo Jihada Bari kaga dhegsan Cusbitaalka Gargaar, waxa ka qayb-galay Masuuliyiin, ganacsato iyo dadweyne lagu soo marti-qaaday.