Hargeysa: Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay 10 Harimcad laga Tahriibinayey Dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland oo oo kaashanaya ciidamada Ammaanka, ayaa gacanta ku dhigay Toban Harimcad oo sifo sharci-darro ah looga dhoofinayey dalka.

Fal-dembiyeedkan ayaa lagu soo qabtay laba eedeeysane oo rabay inay xeebaha dalka ka dhoofiyaan Harimacadka, iyada oo laga soo qabtay deegaanka xeedho, waxaana hawgalkii lagu soo qabtay iska kaashaday ciidanka Booliska ee saldhiga Daloodho iyo wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga waaxda u qaabilsan Arrimaha Duurjoogta.

Harimcadka la qabtay

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Daloodho Gaashaanle Kayse Suudi iyo Agaasimaha waaxda Duurjoogta ee wasaaradda deegaanka Cabdinaasir Xuseen Siciid oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay Harimcadka la qabtay, ayaa sheegay in eedeysaneyaashaas dhawr jeer oo hore ay maxkamadi ku xukuntay, iyaga oo ka ganacsanaya xayawaankaas isla markaasna ay Wasaaraddu goor hore ka war-heshay in sifo sharci darro ah looga dhoofiyo xeebaha dalka.

Dhinaca kale, waxay farriin u direen bulshada Somaliland oo ay ka codsadeen in duurjoogta lagu ilaaliyo tilmaamayna inay tahay kheyraadkii iyo nimcadii dalkani lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Cabdinaasir Axmed Xirsi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay farxad u tahay inay gacanta ku soo dhigaan eedaysanaayshan isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan sharciga loo horgeyn doono, wuxuuna intaas raaciyay in 23-kii bishii hore ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal kale oo ku hawlanaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta, isagoo ku gooddiyey in sharci la horgeeyo eedaysaneyaasha.

Warbixin ay dhawaan soo saareen urur u dhaq-dhaqaaqa ilaalinta Xuquuqda Duur-joogta gaar ahaan Harimcad-ka, ayaa lagu sheegay inay Somaliland xuddun u tahay Harimcadka sida sharci-darrada ah looga ugaadhsado Bariga Afrika, iyadoo loo dhoofinayo dalalka Khaliijka Carabta.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net