“Haddii La Isku Darro Maxamuud Xaashi Iyo Cali Mareexaan Ma Gaadhi Karaan Xirsi” Cali Guray

 

“Madaxweynuhu Ma Jecla Muuse Biixi, Madaxweynenimadana Lama Jecla Balse Wuu Ka Adag Yahay”

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay  in tamar darradda xukuumadda uu tusaale nool u yahay inay wareegii labaad ee ciyaaraha gobollada dalka ay qaban wayday, taasina ay dhalisay in ciyaartoygii sideedii xul  ee  u soo baxay tartankaasi ay si habqan leh uga baxeen caasimadda Hargeysa.

 

 

 

Cali Guray shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay in Wasiirka  cusub ee madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Cusub ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan aanay gaadhi karin Wasiirkii iscasilay ee Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka UCID waxa kale oo uu ka sheekeeyay dhibaatooyinka taariikhiga ah ee ay soo kala muteen Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee UCID waxa uu sheegay in xubnaha Golaha dhexe aanay goyn karin iyagu mansabka madaxweynaha balse ay iraadadooda u madax banaan yihiin shacbi-weynaha Somaliland.