Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 5aad – Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha (Boobe Yuusuf Ducaale)

“Maalintaan gacan-qaado,

Aan wax garaac is-idhaahdo,

Hadba laan ma gammuuro e’,

Geedku hays wada raaco e’,

Gun hoosaan ku simaa,”

 

Geeraarka Gelbis, Timacadde, 1960kii,

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

13/3/2014ka, Hargeysa

Qormada: 1aad

Hordhac

Waa Khamiisle-taraar……Waa taxane….Qalinkii iyo tawaaddii ayaanan wax badan ka tuujin……Qabyadaa badan……Qalinka dararay tawaaddana ku dhex raday in uu qallaha iska rido ayuu doonayaa……Gacantuna ma daallana….. Garashadu sidii ayay weli ii dudduucdaa….. ……Goortu waa goorteed…….Wax la rajaana rag kuma sama.

Khamiislihii maalinta qudh ah ahaa ayaa igu fillaan waayay, markaas ayaan is-idhi intii ay Khamiistani caddaysimo ahaan lahayd waxoogaa dadka ka marriin oo weliba Qormooyin kale dhibaad u raaci ee iga guddooma. Berri waa Jimce oo waa nasasho ee Sabtida iyo Axadda ayaa raaci doona haddii Eebbe oggolaado.

Innaga oo ku jirna bishan Maarj, 2014ka, suuro-gal ma tahay in aynu qabsanno doorashadii Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada bisha Juun 2015ka, haddii Eebbe idmo?

Waa amba-baxeenna maanta, qormadu meel ay inala martaba, idinkuna ha samir darraanina.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta
Wasiirkii hore ee Warfaafinta

In qof la doortaa waa xil iyo gudshadii. In Gole la doortaana waa xil iyo gudashadii. Qof iyo Gole mid uu yahayba xeerar biraysan oo xalaal ah iyo qodobbo dastuuriya ayaa lagu doortaa. Qof iyo Gole mid uu yahayba waajibaad, xilal iyo muddo-xileed dastuuriya ayay leeyihiin oo ay gabbood-fal dastuuriya tahay in ay ku-xad-gudbaan.

Waa ayaan-darro haddii uu qofkan la dooranayaa u qaato in uu weligii meesha joogayao. Waa halkii Cabdillaahi Cabdi Shube e’: “Wax waliba way fasakhmaan.”

“Xil-dhibaan mar la doortay,

Haddii uu dirgan waayo,

Damco uun kursigiisa,

In uu daayinkii haysto,

Durba wuu fasakhmaa,

Oo danayste noqdaa,”

 

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa xil dastuuriya oo saaran hadba inta xilka dawladeed haysa. Waa hawl ka dhexeysa: Xukuumadda, Xisbiyada qaranka, Xeer-dejinta, Komishanka Doorashooyinka, dawladaha taageera dimuqraadiyadaynta Somaliland iyo intii kale ee ay adeegsadaanba. Waa xil si gaar ah u saaran shacbiga iyo saxaafadda oo ay tahay in ay si taxaddar leh had iyo jeer ku baraarugsanaadaan.

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa qasab. Amarka Ilaahay in ay ku qabsoomaan weeye. Waa in ay dedaalkeenna iyo xil-kasnimadeenna ku qabsoomaan. Ma aha cid kasta oo la doortaa in ay been ku dhaarato, kursiga ku fadhiisato, ka dibna loogu taag waayo xilligiinna waa uu dhammaaday e’ ka soo dega. Ma aha in ay sida mara-boobta ku dhegaan kuraasida oo ay ‘Aabbahay goblin miciinsadaan.’.

Awoodda iyo karaamada qarannimada

Waxaaba marka laga soo tago haddii ay Mabaadiida Guud ee Dastuurka Qaranka dhowri waayaan dadka la doortaa – Madaxweyne ilaa xildhibaanno – maxaa shacbiweynaha la dulmiyay ee xuquuqdoodii la duudsiyay laga sugaaya ama laga filan karaa? Xubinta 1aad, Qodobka 1aad, Faqradda 2aad ee Dastuurku waxay leedahay:

“Awoodda iyo karaamada qarannimada waxa leh shacbiga, wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.”

Hadda ha u qaadanina in uu yahay Qodob dastuuriya oo keliya. Xaasha! Waa Qodob gaashaaman oo ku jira Mabaadiida Guud. Weliba Faqradda 2aad ee Qodobka ugu horreeya Dastuurka. Muwaaddinka dhabta ahi wuu og yahay, dhawaan-xoolowga dhan-dahamada sedka moodayna cidi wax weydiin meyso. Muuwaaddin, yaan lagu dhaafin xuquuqdaada. Dalkan karaamadiisa iyo haybaddiisaba shacbiga ayaa iska leh, sidaa uu Dastuurku qeexayo, xinjir baana lahu qoray oo wax si fudud u tirmaya ma aha.

Ma Madaxweynahaa, ma ku-xigeenkaa, ma inta kale ee aad cod ku doorateen baa? Waa ay kuu adeegaan. Shacbigaa dirtay, iyaga ayay u shaqeeyaan. In ay innaga inoo sarakacaan weeye, ma aha in aynu innagu u saro-kacno oo weliba ka dhigno waxaanay ahayn. Ma aha in aynu ka dhigno awood wax kasta bixin karta. Xaasha! Awooddoodu waa ay xaddidan tahay oo xeer ayaa sar-jaraya.

Dastuurku miyaanu kaas ahayn? Xaggee naloogu durdurinayaa ee hadba ciidammo sheydaan oo aan la garanayn meel ay ka yimaaddeen saqaha dhexe la isugu soo dalbanayaa? Sow tan aynu mar labaadka dadkii la xasuuqay mar kale si sharaf leh u aasaynno? Durba miyaad illowdeen, waa halkii Ibraahin Gadhle e’.

Muddo-dhaafka Golayaasha Xeer-dejinta

Golaha Guurtida tan iyo 1993kii laba jeer ayaa la kala magacaabay. Gabow, geeri iyo geeddi lagu goblamay oo dibadeed ayaa dhammeeyay. Ilaa maantadaa aynu joognana diyaar uma aha in ay beddelkoodii diyaariyaan. Waxaad mooddaaba waxyaabo aynu beryo hore kari jirnay in aynaan maanta tamar iyo taag midnaba u hayn. Dunidii ina majeeran jirtay ee tusaalaha nool ee Soomaaliyeed inoo haysatay ayaa hadba inaga sii durkaysay oo sii niyad-jabaysa. Dibudhacaasi wax kale kuma imanayo oo aan ahayn damac kooxeed iyo qofeed oo aanay innaga dani inoogu jirin ummad ahaan. Golayaashii iyo madaxdii qaranka ayaa xilalkii loo igmaday u qaatay shaqo la siiyay. Nimanku shaqo-beelka iyo waayaha dalka ka taagan u nugulaa. Aniguba, aniga oo aan shaqo hayn sownigan nool. Ilaahay miyay ka quusteen. Subxaan!

Golaha Deegaanku sidii loo doortay 2002dii ayay iskaga fadhiyeen sidii wax kuraasida la amaahiyay. Noofambar 28dii, 2012kii ayay doorashadii 2aad dirqi iyo si fool adag ku qabsoontay. Waa aynu ku rogman gaadhnay, xanafteediina ilaa maantadaa aynu joogno waa ay taagan tahay. Waa doorashada keliya ee ay xukuumaddeenan amaan-jecel, waddo-walaf qabatay intii ay xilka haysay. Wallaahi, tu kale si ay ku qabanna Ilaahay baa og.