Guddoomiyihii Gobolka Daadmadheedh oo Xilka Iska casilay

 

Oodweyne (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh Nuur Cismaan Guuleed, ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilka badhasaabnimo ee gobolka.

Guddoomiye Nuur Cismaan Guuleed ayaa sidan ka sheegay munaasibad uu xilka guddoomiyaha gobolkaas shalay ugu wareejiyey Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh Maxamed Cali Axmed.

Badhasaabka gobolka Daad-madheedh waxa uu sababta is-casilaaddiisu ku sababeeyey kaddib markii uu go’aansaday in uu isu-soo-sharraxo xildhibaannimada Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Guddoomiye Nuux Cismaan ayaa xilka badhasaabka Daadmadheedh hayay muddo ku siman Laba sanno ah.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa digreeto uu soo saaray 14-February 2019-kii waxa uu ilka Badhasaabka Daadmadheedh u magacaabay Nuux Cismaan Guuleed, kaddib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii iyo guddoomiye ku-xigeenkii gobolkaas Axmed Diiriye Cabdilaahi iyo Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale).

Shuruudaha looga baahan yahay Shaqaalaha iyo masuuliyiinta Dowladda ee go’aansada inay ka qayb-galaan tartanka doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, ayay ka mid tahay inay iska-casilaan mansabka dowladeed ee ay hayaan si ay ugu madax-bannaanaadaan ka midho-dhalinta hankooda murashaxnimo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net