Guddoomiyihi Komishanka ee Gobolka Sool oo Aas Qaran loogu sameeyey Laascaanood iyo Xukuumadda Somaliland oo Digniin soo saartay

Laascaanood (SLpost)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa gelinkii dambe ee maanta aas qaran loogu sameeyey Allah ha u naxariistee Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Sool Marxuun Cabdilaahi Laba-go’le oo dab-ley hubaysani xalay ku dishay badhtamaha magaaladaas.

Maamulka Gobolka Sool, Isimo, madax-dhaqameed kale iyo Haldoorka Magaaladaasi, ayaa ka qayb galay aaska loo sameeyay Gudoomiyihii Komiishanka doorashooyinka ee Gobolka Sool.

Xubno kala duwan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee Marxuun Cabdilaahi Laba-go’le uu Taariikh wanaagsan ku leeyahay Gobolka Sool, isla markaana uu shaqo badan u soo qabtay dalkiisa, waxaanay haldoorkani ka dalbadeen Maamulka Gobolkaas iyo Ciidamada ammaanka inay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu soo dhigaan gacan-ku-dhiiglayaasha falkaas ka danbeeyay.

Waxa kale oo ay bulshada gobolkaasi ugu baaqeen inay Ciidammada ammaanka gacan ku siiyaan Sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood, ayaa ka hadlay dilka Marxuumka iyo falal amni-darro oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo kordhay gobolka.

“Laamaha amaanka ee gobolka Sool noocyadoodda kala duwan waxaan farayaa, in sidii aanu horeba waajibaadka ugu kala qaadanay, in cidii gaysatay dilka guddoomiyihii komishanka dooraashooyinka ee Sool iyo dhagar qabeyaashii dilkaasi gaystay, in ay si deg deg ah u soo qabtaan. Baadhitaan rasmiya oo buuxana ay sameeyaan,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood.

“Waynu aragnaa maalin walba waxaa dhacaysa in haldoorkeena lagu dilo magaaladda gudaheeda oo aynu nidhaahno maanaan arkayn, iyo maanaan maqlayn. Waxaa la rabaa, maalinba nin bay ku dhacaysaa in aynu arrintaasi maanta taa C/laahi, ku dhacday, meeshay gashaba, in aynu kaga daba galno, oo ay noqoto tii aynu isku daba qaban lahayn,” sidaana waxa yidhi maayarka magaalada Laascaanood Cabdiraxiim Cali Ismaaciil oo warbaahinta la hadlay maanta.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net