Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran oo Shacabka Hambalyo u diray, kana hadlay Arrimo Dhowr ah

faysl-hmHargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa shacabka Somaliland, umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaanba bulsho-weynta Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal Adxaha awgeed.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magacasii, afka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weliba taageerayaasha xisbiga WADDANI, ayaa sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay xarunta dhexe ee Xisbiga, waxa uuuu hambalyo u dirayey guud ahaan umadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaana shacabka Somaliland isaga oo ku hambalyeynaaya xuska Ciidal-Adxa oo ku beegan maalinta beri ah.

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo si gaara uu hambalyo taas la mid ah uu ugu dirayaa Xujaajta kala duwan ee gudanaysa waajibaadka Alle ee Xajka, isaga oo Eebe uga baryey in uu ka aqbalo acmaashaas suuban sida oo kale na uu ugu soo dhammaystiro caafimaad qab. waxa kale oo uu Alle ka baryeyaa in uu caafimaad sareecan ah uu siiyo dhammaan ba umadda Islaamka ee xanuunsanaysa , sida oo kale na uu u naxariisto intii dhimatay.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa ugu dambeyn uu Eebe ka baryeyaa in sannadka sannadkiisa uu innagu gaadhsiiyo bash bash, barwaaqo,caafimaad qab, acmaal suuban iyo weli ba sida oo kale Ictiraaf ay Somalliland ka hesho beesha Caalamka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbga Kulmiye, ahna Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Muuse Biixi Cabdi ayaa Shacabka Islaamka, gaar ahaan Shacabka Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha awgeed.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Guddoomiyaha KULMIYE

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID  Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo kuwa Soomaaliya munaasibadda Ciidal-Adxaha awgeed, waxaanu sidoo kale ka hadlay Arrimo khuseeya dhibaatooyinka amni-darro ee ka taagan dalkaasi Soomaaliya.

Hoos ka daawo Muuqaalka Guddoomiyaha UCID