Guddoomiye Cirro Muxuu ka yidhi Wada-hadalka Soomaaliya, Dib-u-dhaca Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Shaqaaqada ka aloosan Gobollada Bari?

Hargeysa, 08 April, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Waddani isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeedka ee dalka isla markaana baaq u jeediyey xukuumaddda iyo Wax-garadka gobollada Bari ee dalka.

Guddoomiyaha oo khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Shirweynaha 1aad ee urur-siyaasadeedkiisa WADANI oo manta Hargeysa ka furmay ayaa ka waramay mabaa’diida Guud ee urur siyaasadeedka Waddani Gun dhiga u ah kuwaas oo ay ka mid yihiin ilaalinta Midnimada Dhuleed ee dalka Jamhuuriyada Somaliland, Kobcinta Dimuquraadiyada,kor u qaadista aqoonta, abuurista fursado shaqo, iyo aqoonsi ay Somaliland ka hesho dunnida inteeda kale.

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani waxa uu tilmaamay in ururkan ay ku bahoobeen ummada Somaliland isla markaana ay ka wada dhex muuqdaan .

Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” waxa uu ka hadlay Wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia waxaanu ku dooday in wada hadalkaas ay shardi u tahay iyadoo la kala yahay laba dawladood,taas oo ay beesha caalamkuna goob joog ka noqonayso, waxa uu Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee urur Siyaasadeedka Waddani uu u soo jeediyay Xukuumada in mar walba ay tallo qaran ka samayso wax kastoo qaranimada Somaliland saamayn ku leh .

Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee  Urur siyaasadeedka Waddani waxa uu ka hadlay Xiisada Colaadeed ee ka dhacday deegaamada gobolada bari waxaanu iftiimiyay in colaadu ay tahay cadawga nolosha iyo horumarka waxaanu ka dalbaday dhinacyada ay arrintani saamayso sidii xooga loo saari lahaa in nabad buuxda lagu soo dabaalo xiisada ka dhacday deegaamada gobolada bari waxaanu ku baaqay in la xoojiyo baaqii madaxweynaha ee gogosha nabada .

Waxaa kale oo Gudoomiye C.raxmaan Cirro uu xusay in maadaama ay wakhtigii ka dhacay golayaasha deegaanka uu xal u arko in mudo kordhin kooban loogu daro isla markaana doorashada golayaasha deegaanku aanay ka danbayn inta ka hadhay Sannadkan aynu ku guda jirno .

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net