Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo dhaariyay Xubin ka tirsan Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Sharci-yaqaan Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay mudane Cali Baashe Maxamed oo maanta laga bilaabo maanta ka mid noqonaya xubnaha Guddida Dacwadaha Cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Cali Baashe Maxamed ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay Guddida Dacwadaha Cashuuraha, taasi oo uu Maxkamadda Sare u soo gudbiyay, guddoomiyaha Guddida Dacwadaha Cashuuruhu, codsi ku saabsan buuxinta jagadaasi, si waafaqsan qodobka 215 ee Xeerka Dakhliga Cashuuraha Bariga Xr 72/2016.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net