Hargeysa(SLpost)- Muddane Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa noqonaya xoghayaha golahaasi, kadib markii maanta oo ay bishu tahay 7dii-12-2015 uu guddoomiyaha golahaasi u magacaabay xilkaas isaga oo xusay iyo uu khibrad iyo waaya-aragnimo dheeraad ah u leeyahay gudashada xilkaas.
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah Mudane Beegsi u magacaabey xoghayaha guud ee golahaasi yeelan doono ka dib markii xoghayahii hore Cabdilaahi Ibraahim Habbane iska casilay xilkaasi isla markaana uu noqdey wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland ee hadda.