Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo soo saaray 10 Guddi-hoosaad oo Goluhu yeelanayo

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta soo saaray Guddi-hoosyada uu ka kooban yahay golaha oo ka kooban 10 Guddi hoosaad.

Gudd-hoosaadyada oo ka kooban 78 xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee golaha marka laga reebo saddexda xubnood ee shir-guddoonka iyo hal xildhibaan oo dalka dibaddiisa ku maqan, ayaa ka kooban 10 Guddi-hoosaad.

Guddi-hoosaadyadan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa kala ah:

  1. Guddiga Joogtada ah iyo Anshaxa.
  2. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga.
  3. Guddiga Hawlaha Guud, Tiknoolajiyadda, Guriyeynta iyo Gaadiidka.
  4. Guddiga Daba-galka iyo Hantida Qaranka.
  5. Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha.
  6. Guddiga Arrimaha Deegaanka, Kheyraadka Dabiiciga ah, Wax-soo-saarka iyo Tamarta.
  7. Guddiga Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorsheynta iyo Maalgeshiga.
  8. Guddiga Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Nabadgelyada.
  9. Guddiga Arrimaha Shareecada, Dhaqanka iyo Qoyska.
  10. Guddiga Arrimaha Bulshada.

Liiska Hoose kaga Bogo Liiska Guddiyada loo qaybiyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net