Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani oo 142 Caano Maal kaddib xorriyadiisa helay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa Xabsiga ka sii daysey Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDAN, Maxamed Sidiiq Dhamme oo 71 Maalmood xidhnaa kaddib markii ay Maxkamadda gobolka Maroodijeex ku xukuntay 6 bilood oo xadhig ah.

 

Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa Dawladdu xidhay ka dib, markii uu Facebook ku baahiyey hadallo uu ku dhaliilay Xaalad deg-deg ah oo Madaxweynaha Somaliland ku soo rogay degmooyin ka mid ah Gobolka Sanaag, waxaana laga xidhay Gurigiisa oo ku yaalla Hargeysa.

 

Mr. Dhamme oo markii Xabsiga laga soo daayey la hadlay Saxaafadda ayaa yidhi “71 Maalmood ka dib, waxaan Maanta helay Xorriyaddaydii aasaasiga ahayd ee markii horena xaq-darrada la igaga qaaday iyo Xadhiggaygii Qafaalashada ahaa oo runtii aan waafaqsanayn Sharciga.”