Guddiga Doorashooyinka oo ku Dhawaaqay Xilliga Degmo-doorasho Beddelka iyo Kaadh Bixinta

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta soo bandhigay adeegyo ay ku soo kordhiyeen nidaamka diiwaangelinta iyo sidii shacabka loogu fududayn lahaa haddii ay jiraan caqabado ka taagan Diiwaangelinta codbixieyaasha ee laga sameeyey gobollada Dalka.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Riyo-Raac, ayaa kulan ay saxaafaddu goob-joog ka ahayd kaga dhawaaqay xilliga ay gudo-galayaan fulinta Laba adeeg oo Guddigu u qabanayso Shacabka is-diiwaangeliyey, kuwaas oo kala ah in qofka muwaadinka ah loo beddeli karo degmadii uu iska diiwaangeliyey haddii uu xilligan u guuray ama ku nool yahay degmo ama gobol kaleiyo sidii loogu adeegi lahaa Dadka kaadhadhku ka lumeen ee is-diiwaangeliyey sannadkii 2016-kii.

Hadalka Masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka, kaga bogo Muuqalka Hoose

https://www.facebook.com/SLNEC/videos/264366058406006