Guddiga caddaaladda oo Yeeshay kulan Albaabadu u xidhan Yihiin iyo Wasiirka caddaaladda oo sheegay inay jiraan tabashooyin Garsoor

Hargeysa(SLpost)-Guddigii ay xukuumadu u xilsaartay toosinta hawlaha Garsoorka, ayaa maanta xarunta maxkamadda sarre kulan kula yeeshay guddiga caddaalada qaranka.

Wasiirka wasaaradda caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta dalka ayaa sheegay ujeedada kulankoodu inuu ahaa xog-ururis ku saabsan waxyaabaha ay ka mid yihiin; Cabashooyin dhinaca caddaaladda ee ka yimaada bulshadda qaybaheeda kala duwan.Wasiirku wuxuu inta ku darray inuu kulankoodu gundhig u ahaa, sidii la isugula dhigi lahaa am la isugu afgaran lahaa sababaha keenay in cabashooyin ka yimaadan shaqadda maalinlaha ee garsoorka ee halbowle u ah ku dhaqanka shuruuda dalka.

Wasiirka caddaaladu waxa kale oo uu sheegay inuu kulanka la iskula eegay arrimaha keeni kara caddaalad-darradda, sida aqoonsi darro dhanka garsoorayaash ah ama dhaqaalo-xumo ka haysta ama haddii ay jiraan xeerar qabyo ah oo sababi kara in dacwaddaha qaarkood dib loo dhiggo, waxaan jiritaanka arrimahan oo dhan uu wasiirku ku tilmaamay mid dib-u-dhac ku keenni karta habsami socodka iyo helitaanka caddaalad toosan.

Guddiga caddaaladda ayaa kulmo kala duwan la yeelan doona hay’adaha kale ee garsoorka la xidhiidha, sida qareennada,Maxkamadaha, Xeer ilaalinta iyo adeegyadda sharcigga la xidhiidha.Sida uu ku warbixiyey wasiirka caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo sidoo kale xusay in barnaamijka toosinta caddaalada ee dhinaca toosan tabobaro lagu tayeyno garsoorka iyo garsooraha liita.