Guddidii Qaban-Qaabada Shirka Beelaha SACAD MUUSE oo Xukuumadda ku eedeeyey inay Doc-wareentay Qabsoomidda Shirka Agabar

Hargeysa (SLpost)- Guddida qaban-qaabada Shirka Beelaha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa (Sacad Muuse) ee HOODAALE oo  la qorsheeyey inuu ka qabsoomo degmada Agabar ee gobolka Gabiley, ayaa xukuumadda talada haysa ee Madaxwayne Siilaanyo ku eedayeeyey inay Xagal-daacisay qabsoomidda shirkoodaas, waxaanay sheegeen inay u adeegsanayso Xubno Beesha ka tirsan oo Golaha Xukuumadda ku jira.

Guddidan qaban-qaabadda shirka Agabar oo horaantii Bishii Lixaad ee sannadkan la sameeyey, ayaa sidaas ku sheegay shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen Guriga Salaadiinta Beelaha Sacad Muuse ee Magaalada Hargeysa, waxaana halkaas ka hadlay Afhayeenka Guddidaas Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka), Guddoomiyaha Guddidaas Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac iyo Xoghaynta Guddida Cabdiqani Daahir Ismaaciil, kuwaas oo dhamaantood si mug leh uga hadlay carqaladda hortaagan qabsoomidda Shirkaas.

GUDDIDAWar-saxaafadeed Guddidu halkaas ka akhriday, ayaa isaga oo dhammaystiran u qornaa sidan: “Waxa mudooyinkan danbe aad loo hadal hayey Shirka beelwaynta Sacad Muuse ee loo qorsheeyey inuu ku qabsoomo degmadda Agabar ee Waqooyiga Hargeysa ayaamaha soo socda hadii Alle yidhaahdo. Waxaanu hadaba maanta shirkan Jaraa’id ku u qabnaaynaa inaanu Beelaha ku abtirsada Sacad Muuse si buuxda ugu Xog-warano, gudo iyo debadba, Marxaladihii uu soo maray Diyaarinta Shirkan Hoodaale, dhibaatooyinkii la soo darsay iyo Xaaladda uu maanta ku sugan yahay intaba.

Sooyaalkii Qabsoomidda Shirka

1. Ugu horayntii wuxuu qorshaha Shirka Hoodaale ka soo unkamay Shirwayne ay 170 Xubnood oo beesha ka soo jeedaa ay ku yeesheen Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa,06/04/2013  kaas oo lagu doortey tiro 39 xubnood ah oo tusmaysan, laguna Magacaabay Guddi Qabanqaabo.

2. Waxa xigtay in go’aankan loo gudbiyey Salaadiinta Beesha si ay u ansixiyaan iyagoo bilawgii sibuuxda noolaqaatay ansixinta hawshani gacmahana aanu iskuqaadnay inaanu halkaa kasii anbaqaadno  hase yeeshee maalmo kadib ay ku gacansaydheen si toos ahna Warbaahinta u soo fadhiisteen, iyaga oo Canbaaraynaya go’aankii Shirwayaha Beelaha Sacad Muuse iyagoon Habayaraatee wax Waraysi ah iyo xogwaran ah la yeelanin guddida shirka laga magacaabay. Talaabadan oo runtii Fajiciso iyo wax laga xumaado ahayd in Salaadiinta beesha la soo adeegsado.

3.   Markaa waxaaba la odhan karaa Khilaafkan maanta taagani wuxuu  ugu horayn kazoo farcamay falkan u qaadan waaga ah ee ay Salaadiintu ka sii daayeen Warbaahinta iyo luqadii foosha xumayd eek a soo yeedhay waftigaas uu tabaabulshaha shirku bilawga ahaa.

4.  Arintani waxay keentey inay kala fogaadaan guddidii iyo Salaadiintu, waxa kale oo ay arintani wax ka beddeshay mawqifkii hore ee Suldaanka Guud oo loo tirinayey inuu ku xidhan yahay Guddida Salaadiinta.

5. Suldaanka Guud wuxuu iska fogeeyey falkii foosha xumaa ee ay Salaadiinta beelaha Sacad Muuse ku kaceen wuxuuna taageeray Jawaabtii guddida qaban-qaabada isagoo ku taageeray in magaca shirku ahaado Hoodaale,  in goobta shirku ahaato Agabar iyo qabada shirku ahaato taariikhdii loo mudeeyey.

6.  Ka dib waxa soo shaac-baxay faro-galintii ay xukuumadu ku haysay qabsoomida shirka Hoodaale iyadoo adeegsanaysa xubno ka soo jeeda beesha Sacad Muuse oo ku jira Golaha Xukuumadda, ka dibna waxa si isdaba joog ah u muuqday falal siyaasadaysan oo dawladu ku curyaaminayso qabsoomida shirkaas iyadoo u soo maraysa loolan siyaasadeed oo Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka oogan, ujeedadiisuna tahay in lagu kala qaybiyo oo layska soo horjeediyo Beelaha Sacad Muuse ee Walaalaha ah.

7.  Kadibna si arrintani murugsan xal loogu helo wuxuu Suldaanka Guud Magacaabay Guddi ka kooban 11 Oday oo loodoortay dhexdhexaadin, waxaanu guddidaas faray inay isaga iyo Salaadiinta kale mawqfikooda isu soo dhaweeyaan lana Kulmaan Guddida Qaban-qaabada oo ay ay Xogwaraysi la yeeshaan.

8. Balse Magacaabida Odayaashani waxay isu rogtey fursad kale oo ay Qaswadayaashu dabkii sii shidi karaan Khilaafkii markii horeba jiray, waxayna Markiiba iyana Magacaabeen guddi kale oo horgeeyeen guddidii hore ee sharciyada ku dhisnayd ee lagu soo doortey Shirwaynihii Sacad Muuse ee lagu qabtey Hotel Maansoor 6-dii April 2013.

9. Kadib markii ay guddidii khilaaf-saarku Xaaladi jirtay sii murgiyeen ayuu Suldaanka Guud kala diray Guddidaas iyada ah ee arrinkii marin habaabisay.

10. Sida laga warqabo waxa guddoonka beesha iska leh  Suldaanka Guud oo ansixin kara go’aanada Guddiyada  soo jeedinta Salaadiinta iyo kuwa beesha Beeshaba. Hadaba wuxuu Suldaanka Guud si cad u deedefeeyey Guddidan danbe ee musayafka ah, taasina waxay ka cadhaysiisay Salaadiinta kale oo  iyadana fal-celintoodii noqotay inay duraan Saldanadii Subeer Awalee faca-wayneed, Suldaankii Guud-na dafiraan una gaystaan Aflagaado aan meesha qabanin.

11. Iyada oo ay Hagar-daamooyinkaasi soo gaadhayeen, hadana Guddia Qaban-qaabadu marnaba kamay nasan dadaalkii ay ugu majiirayd hirgelita iyo qabashada shirka Shirka Hoodaale. Markii ay dhibaatooyinkaas u dhabar adaygeena waxa kor u sii kacay, Xiisihii, Kalsoonidii iyo taageeradii ay Beel-waynta Sacad Muuse u hayeen Waxqabadka hagar la’aaneed ee Guddida. Guddidu waxay waxay mar 2-aad muddeysay waqtiga kama danbeysta ah ee qabadasha shirka, taas oo ahayd 17/8/2013.

12. Nasiirdaro waxa shirka ragaadiyey culays dhaqaale darro wuxuuna ka liicay dhinaca Tujaara iyo Maalqabeenka Beesha, kuwaas oo ka mildhaawayey xagga xukuumadda oo runtii ku Ijbaartay inay taageerada shirka gacmaha ka laabtaan.

13. Markii ay muddadii qabashadda Shirku soo dhawaatay, Caddaataya inaan Guddidu ka laabanaynin ballan qaadkoodii qabashada shirka ayaa waxa saaxaddii la soo galiyey Ganacsatadii hore shirka dhaqaalaha kala masuugtay oo Shaadh Sacad Muuse-nimo cusub ah loo soo galiyey kuna baaqay in iyagu ay la wareegeen qabashada Shirka.

14. Arrintu si kastaba ha ahaatee waxa soo afjarmay dadaal lagu guul-daraystay oo ahaa in shirka Hoodaale si wadajir iyo niyadsami ah loogu sameeyo AGENDA u cuntama Beel-waynta Sacad Muuse oo shirka haga, dhinacna la isaga leexiyo Agenda-ha Madhalayska ee Kooxdan Ganacsatada ahi ay la shirtimid kana Iclaamiyeen Warbaahinta. Ajandaha Ganacsataduna waa waa mid beesha Laf-jab ku ah oo ay ku caddeeyeen “DUCO IYO KALA DAREERA

15.    Inay  xukuumadu faro-galin joogto ah ku haysay habsami u socodka shirkani waxaa markhaati ka,ah in guddoomiyihii degmada AGABAR xilkiisii kuwaayay oo lagu yidhi nimankaa guddida ah hawlaha ay deegaanka aad ka masuulka tahay ka wadaan ka jooji isna ay u cuntami wayday arintaasi, isla markaana ay xukuumadu kaga jawaabtay sifo anshaxa dawladnimo ka baxsan iyo xilkaqaadis degdega.

Sidoo kale gogoshii xukuumadu dabada ka riixaysayna ilaa hada aynaan garanayn meel ay ku danbaysay ilayn shirbaa ka furmay AGABAR.

16. Guntii iyo gabagabadii Guddida Qaban-qaabada ee Shirka Beel-waynta Sacad Muuse waxay Guddoonsatay go’aamadan hoos ku xusan:-

 (l)  In la qaadaco Shirkan Maqaar-saarka ah ee xukuumadda u afduuban.

 (ll) In Guddidii qaban-qaabadu sideedii u sii jirto una shaqayso inta laga gaadhayo waqti munaasib ah  oo beeshu shir xalaal ah oo madaxbanaan ku qabsan karto.”

SOMALILANDPOS.NET/Hargeysa