Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo Waxba kama jiraan ku tilmaamay Murshaxnimada Cali Waran-cadde iyo Axmed X. Daahir

Hargeysa (SLpost)- Gudiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada ayaa maanta ku dhawaaqay inay laaleen murashaxii Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka ee Xisbiga UDUB, kuwaas oo ay sheegeen inay ku doorteen Shirkoodii golaha dhexe ee 28 August 2012, ku qabsoomay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Gudigu waxay sidaa ku sheegeen war saxaafadeed ay maanta ka soo saareen Xaruntooda magaalada Hargeysa kaas oo ay ku sheegeen in doorashadaasi aanay waafaqsaneyn xeerka guud ee Xisbiga UDUB oo musharax Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen lagu dooran karo oo keliya shirweynaha guud ee Xisbiga UDUB.

Guddigu waxay fareen gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Daahir Rayaale Kaahin inuu ilaaliyo xeerarka Somaliland iyo xeer hoosaadka xisbigiisa, sida ku qoran qoraalka gudiga.

Sidoo kale War-saxaafadeedka waxa kaloo lagu sheegay in gudiga diiwaangelinta ururada Siyaasaddu iyagu u xilsaaranyihiin inay axsaabta ku ilaaliyaan xeerarka dalka iyo xeerarka xisbiyada .

Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa shirkiis golaha Dhexe ee Hargeysa ku qabsaday 28/8/2012, kaas oo ay  sheegeen inay ugu doorteen musharaxa Madaxweyne Cali Warancadde, iyagoo sheegay inay Musharax Madaxweyne xigeena ugu doorteen Axmed Xaaji Daahir Cilmi. labadaa xubnood oo ka mid ahaa xubnihii golaha waiiradda ee xukuumaddii Daahir Rayaale.

Go’aanka  guddidani ka soo saareen murashaxnimada labadan masuul ayaa lugta sii qabanaysa rejadii xisbiga UDUB kaga gudbi lahaa tartanka doorashada goleyaasha Deegaanka, iyada oo dhismaha ururka ay hore saamayn ugu yeelatay khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay kaas oo kala irdheeyey xubnihii ugu muhiimsanaa xisbigaas oo qaarkood ku biireen Xisbiyo kale.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net