“Goorma ayuu Sawirkeygu Xaaraan Noqday, Sawirka Siilaanyo-na Xalaasha Noqday?”– GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI – Daawo

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka ka dhex-aloosan xisbigiisa, falal amni-darro ah oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey Hargeysa oo xukuumaddu u xidh-xidhay dad lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen.

“Goorma ayuu Sawirkeygu Xaaraan Noqday, Sawirka Siilaanyo-na Xalaasha Noqday?”– GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI – DaawoGuddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay maanta la kulmeen Ergada Dhex-dhexaadinta Garabyada Xisbiga isla markaana ay u soo bandhigeen qodobbada khilaafku ka dhashay ee ay Hoggaan ahaan ka tirsanayaan Garabka xukuumadda taabacsan ee Kulmiye.

HALKAN KA DAAWO

 

SOMALILANDPOST.NET