Golaha Wasiirrada Somaliland oo Go’aan ka soo saaray Shirkadaha FlyDubai vs AirArabia iyo Shuruudo lagu xidhay

Golaha Wasiirrada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saaray mowqifka xukuumaddu hore uga qaadatay hakinta duullimaadyada diyaaradaha AirArabia iyo FlyDubai oo hore looga joojiyey inay duulimaadyo ka sameeyaan Somaliland.

Fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada Somaliland maanta isugu yimaaddeen, waxa dood iyo falan-qeyn laga yeeshay go’aanka xukuumaddu hore ugu mamnuucday inay dalka ka hawl-galaan labadaas diyaaradood iyadoo la waafajinayo shuruucda dalka.

Golaha Wasiirrada Somaliland

War-murtiyeed ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu go’aamiyey in xukuumadda Somaliland soo dhawaynayso Iskaashi dhexmara shirkadaha caalamiga ah iyo maalgelin dalka laga sameeyo, diyaaradaha AirArabia iyo FlyDubai la mid yihiin kuwaas, balse waxa inay diyaaradahaasi dalka dib uga bilaabayaan duulimaadyadood laga xidhay saddex qodob oo khuseeya arrimo sharci oo in la dhammaystiro ay tahay.

“Golaha wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay,” Sidaas waxa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada ee maanta.

Waxa war-murtiyeedka lagu go’aamiyey saddex shuruudood oo lagu xidhay in shirkadahaasi dib uga hawl-galaan dalka, waxaana lagu yidhi, “Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci madaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi.

Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay:-
– In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.
– In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.
– In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland.

Waxa kale oo war-murtiyeedka lagu sheegay, “Ugu danbayn golaha wasiirrada Somliland waxa uu hambalyo u dirayaa xuska maalinta shuhaadada Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 17-October-2020.

Goluhu waxa uu ku sifeeyey maalintan, maalinta geesiyaashii naftooda, maalkooda, iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimada iyo madax-bannaanida dalkeena, xiliyo kala duwan laga soo bilaabo halgalkii gobonnimo doonka Daraawiishta, kacdoonkii culimada, aqoonyahanka, suugaanlayda, halgankii axsaabta siyaasadda, halgalnkii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood-hurayaasha ilaa maanta naftooda halista u geliya difaaca jiidaha hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay Alle uga baryeen intii dhimatay in rabi naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna rabi caafimaad, cisi iyo sharaf ku waariyo.

Dhammaanteen, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadduba waa inay ka qayb-qaataan sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah iyo marxaladihii isdaba-joogga ahaa ee dalkeenu soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeennii nololeed iyo raad-raaca taariikhdeena.”

 

Somalilandpost.net

contact@somaliladpostnet