Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Sahaminta iyo Soo-Saaridda Shidaalka Dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka Sahaminta iyo Soo-saaridda Shidaalka oo in muddo horyaallay Golaha Wakiillada.

Xeerka oo muddooyinkii u dambeeyey horyaallay Golaha, mudaneyaashuna ka doodeen, isla markaana wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey, waxa golaha u soo gudbiyey Wasaaradda macdanta iyo Tamarta ee Somaliland.

Fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socday wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, waxa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Baashe Maxamed Faarax, waxa mudaneyaasha Golaha qodob-qodob ugu akhriyey Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudenayaasha u soo bandhigay inay cod gacan-taag ah ku ansixiyaan xeerka Sahaminta iyo Soo-Saarista Shidaalka Somaliland Xeer Lr 95/2021 kaas oo xildhibaannadu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Fadhiga Golaha oo ay ka soo xaadireen 44 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Mudane ee Golaha Wakiilladu ka kooban yahay, waxa ansixinta xeerka oggolaaday 40 xildhibaan, 3 xildhibaan waa ka aamuseen, Guddoomiyuhuna ma codaynin, sidaas ayaanu xeerku ku ansaxay.

Muuqaalka hoose ka daawo Qaabkii ay u dhacday ansixinta xeerka Sahaminta iyo soo-saarista Shidaalka ee Somaliland