Golaha Wakiillada oo laalay Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha, ansixiyeyna in Doorashada D/Hoose lagu galo D/gelin la’aan

Hargeysa, (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta tirtiray Jiritaanka Diiwaangelintii Cobixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii ugu dambeysay ee Madaxtooyada.
Golaha Wakiillada oo fadhi ay maanta yeesheen ku laalay xeerkan isla markaana uu shir-guddoomiyey guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], waxa ka soo qayb-galay 48 mudane oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee Golaha wakiillada Somaliland.
In kasta oo Mooshinkan la horkeennay golaha wakiillada uu buuq iyo sawaxan badan golaha ka dhex dhaliyey, haddana isla markiiba waxa la gudo-galay ansixintiisa taas oo Xildhibaannada Golaha laga codsaday inay u cod gacan-taag ah ku meel-mariyaan. Laalista Diiwaangelinta waxa ogolaaday 34 xildhibaan halka 9 mudane-na ay ka diideen, waxaana ka aamusay 9 mudane Guddoomiyuhune ma codayn.
Dhanka kale, Xidhibaannada Golaha wakiilladu waxa ay meel mariyeen in Doorashooyinka Foodda inagu soo haya ee Golayaasha Deegaanka Dalka lagu galo Diiwaan-gelin la’aan isla markaana Diiwaangelin cusub la sameeyo ka hor inta aanay gaadhin Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net