Golaha Guurtida Oo War Bixin Ka Dhagaystay Gudiyo Loo Saaray Xalinta Shaqaaqo Dhawaan Ka Dhacday Gobolka Daad Madheedh

Hargeysa(SLPOST):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa maanta warbixin ka dhegraystay guddi dhawaan golahaasi  u saaray shaqaaqo ka dhacday Daadmadheedh oo agu dilay taliyihii Booliska degada Xaaji Saalax.

 guurti

Xildhibaan ku hadlaayey afka gudida loo diray shaqaaqada gobolka Daadmadheedh,ayaa sheegay inay soo afjareen dhacdadaas isla maraana ay ku guuleysteen inay nabad  ku soo dabbaaleen xaaladda deegaanka shaqaaqadu ka dhacday.

“Anagu waxaanu ahayn gudidii  guurtida ka tirsanayd ee loo diray Laanmulaaxo,gudidaasi oo daba socotay gudidii ka horaysay,markaa gudidayadu waxaay ahayd dhamaystirka hawshii ay gudidaas hore ay waday,markaa anaggu aanu laan mulaaxo gaadhnay waxaanu bilownay xog-waraysi,waxaanu la kullanay gudidii hawshaa isu xil qaangmaantay oo uu hogaaminaayo suldaan maxamed Xirsi Qani kana koobnayd shan xubnood xog ayaanu ka qaadanay,hadana waxaanu la kulanay gudidii loo xilsaaray xalinta arinta oo beeshu ay iska soo saartay,waxaa kale oo noo xigay gudi kale oo laba ardaa ah ee arintu ay dhextaalo iyagana xogbaanu ka qaadanay.Hadaba xogtaa ka dib waxaanu bilownay wax layidhaahdo wacyi galin, xaaladii markaanu ogaanay ee aanu xogtii helnay waxaanu halkaa nooga muuqatay in doorka aanu ku leenahay ay ahayd wacyi galin,waano balaadhan oo mugleh oo dhaadhacsan oo isu soo dhaweyn ah.taas ayaanu wadnay intii laga gaadhayey 27-kii bisha oo gudiduna ay soo gaba gabaysay xal wixii ay u arkeen oo ah in mag lakala qaato dadkii halkaa ku geeriyootay”.