Go’aamo ka kooban 7 Qodob oo Guddiga Diiwaangelintu ka soo saaray Dacwaddii Khilaafka xisbiga UCID

guddigaHargeysa (SLpost)- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta Qaranka, ayaa maanta ku dhawaaqday go’aamo ay ka gaadhay dacwadda looga gudbiyey khilaaf siyaasadeed oo laba garab u kala qaybiyey Xisbiga UCID, kaas oo u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga.

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Anisixinta Axsaaqta Qaran Cabdirisaaq Ciyaale iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa goob warbaahinta iyo labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo ku sugnaayeen kaga dhawaaqay go’aamo laga soo saaray khilaafka xisbiga oo dacwadiisa iyaga loo gudbiyey.

ucid-faysalQodobbada ayaa u qornaa sidan:-

      1. In xisbiga UCID labadiisa garab qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn muddo shan iyo afartan casho gudahooda oo ka bilaabmaysa 21.07.2016
      2. In labada garab soo magacaabaan guddi maamuusha shirwaynahaa oo ah tiro is le’eg.
      3. Guddiga tiradeedu waa 10 xubnood oo labada garab midba soo magacaabayo shan xubnood, waxaanna loo soo gudbinayaa magacyadooda Guddiga Diiwaangelinta
      a) guddigu waxay iska dhex dooranayaan guddoomiye iyo Xoghaye fulineed oo midba garab ka imanayo
      b) Guddigu waxay si is le’eg u soo xulaysaa ergada shirwaynaha
      c) Guddigu waxay maamulaysaa shirwaynaha ilaa inta go’aamadiisu ka soo baxayaan
      d) Kharashka shirka ku baxayana waxa bixinaya labada garab ee xisbiga si is le’eg.
      4. Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qodobada heshiiska labada garab iyo wax-ka-beddelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku Taar. 12.07.2012.
      5. Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo tiradiisa sharciga ahi tahay 181 soo jeedin sharci ahina ka taalo waxa lagu dhammaystirayaa shirwaynaha.
      6. Murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen waxay ku dhammaystirmaysaa marka shirwaynuhu ansixiyo, umana baahna shir Gole Dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
      7. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiiska loogu ansixiyey guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID wuxuu xilkiisu ku dhammaystirmayaa marka shirwaynuhu ansixiyo.” Sidaas ayay u qornaayeen Qodobbada guddiga Diiwaangelintu ku dhawaaqeen.