Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo ka hadlay Khilaaf Sharci oo u dhexeeya Laba Gole Baarlamaan ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, ayaa ka hadlay muran xagga sharciga ah oo u dhexeeya Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ee Wakiillada iyo Guurtida, gaar ahaan Xog-hayeyaasha labada gole oo todobaad ka hor warbaahinta isu mariyey dood cidda xaq u leh inuu golahooda soo maro Xeer ka soo baxay xukuumadda.

 

Muranka oo u muuqday mid soo bandhigay isku-xidhnaan la’aanta labada shir-guddoon ee Goleyaasha Baarlamaanka oo ay iyaga ahayd inay ka-wada hadlaan, waxa uu salka ku hayaa khilaaf ku salaysan shuruucda u dejisan labada gole ee la xidhiidha ansixinta iyo dib-u-eegista xeerarka ka soo baxa dhinaca xukuumadda, kuwaas oo qaarkood sharcigu xaq u siinayo inay soo maraan Golaha Wakiillada, kuwaas oo ah Xeerarka ku saabsan Maaliyadda.

 

Cabdisamad Maal oo maanta u warramay telefishanka HCTV, waxa uu saluug ka muujiyey hab-dhaqanka iyo doodda xog-hayeyaasha labada gole isu-mariyeen Saxaafadda.

 

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Garyaqaanka Guud ee Dowladda.