“Faysal iyo Cirro kuma wanaagsana Axdiga iyo ballanta ay galaan oo way ka baxaan” –  Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin

Hargeysa (SLpost)- Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Wakhtigoodu dhammaaday, ayaa si adag u dhaliilay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID oo uu ku tilmaamay laba shaqsi oo aan ballanta iyo ilaalinta heshiisyada ku wanaagsanayn.

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin waxa uu sheegay inay ballamaha iyo heshiisyada lala galo ka baxaan Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo Waddani, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, isagoo ka sheekeeyey heshiisyo ay labada hoggaamiye ka baxeen.

Mudane Cabdiraxmaan Caalin waxa uu ka warramay heshiisyo ay labada hoggaamiye la galeen shaqsiyaad iyo siyaasiyiin uu sheegay inay markii dambe kaga baxeen, waxaanu tusaale u soo qaatay hankii maayarnimada Cabdikariim Maxamed Mooge oo guddoomiyaha Xisbiga Waddani u ballan-qaaday inuu Xisbigiisa iska sharraxo si uu u hanto maayarnimada Hargeysa, balse markii dambe uu kaga baxay kaddib markii heshiis is-baahaysi oo caqabad ku noqday hankii maayarnimo ee Cabdikariim Axmed Mooge dhexmaray Xisbigiisa iyo Xisbiga UCID.

Xildhibaanku waxa uu arrimahan iyo qodobbo kale kaga hadlay waraysi uu magaalada Hargeysa ku siiyey Telefishanka madaxa-bannaan ee Bulsho Tv. Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysigan oo dhammaystiran.