Faysal Cali Waraabe: “Waligay waxba ma basaasin, waxa jooga raggii NSS-ta ahaa ee Cabdillaahi Cirro iyo Cali Warancadde ka midka ahaayeen”

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa jawaab ka bixiyey eedayntii uu u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo madaxweynaha la beegsaday weerar uu ku bareejaynayo hadalkii iyo eedaymihii madaxweynaha.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu madaxweyna ku eedeeyay inuu ka qayb-qaatay iska horkeen iyo dagaalladii ehliga ahaa ee dalka ka dhacay sannadihii bilowgii sagaashamaadkii. Isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waanu ka filaynay dawladda siilaanyo dul-qaad la’aanteeda, waxaanan sheegay todoba sanno ka hor.

Waxaanu ka yaabnay wakhtiga madaxweynuhu la hadlay, waana wixii aanu ka baqaynay. Shacabka reer Somaliland waanu ka tacsiyeydaynayaa hadallada uu yidhi madaxweynuhu. Faylasha aan ka hayo Siilaanyo, Run ha ahaadeen ama beene, umaddu dhagaha ayay faraha galin doonaan. Qaybihii uu madaxweynahani ka ciyaaray dagaaladii Sokeeyey ee dalka iyo tii halkanka, haddii la sheego, madaxweyne Noqon maayo oo dalkeena ayaan u tudhaynaa.”

Faysal Cali Waraabe oo iska duwaya eedaynta madaxweynuhu ugu soo jeediyey inuu basaasay dhalinyartii UFFO, waxa uu ku dooday inaanu isagu waligii waxba basaasin isla markaana ay joogaan raggii wakhtigaas ka shaqaynayey hay’addii basaasiinta ee dawladdii Soomaaliya, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “UFFO Kiiskeedu maxkamad ayaa la saaray. Aniguna waligay basaas ma noqon. Waxa jooga raggii NSS ahaa sida wasiirkii hore Daakhiliga Cabdilaahi Cirro, Wasiirkii hore ee duulista hawada Cali Waran-cadde.”

SLpost News Desk

Hargeysa