Fannaaniin ka tirsan Xidigaha Geeska oo Muqdisho ka Degay

Hargeysa(SLpost)- Qaar ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ee fadhigooda yahay magaalada Hargeysa ayaa maanta gaadhay magaalada Muqdisho, iyagoo habeenka Ciidul Adxa ay qaban doonaan bandhig faneed ay farxada ciidda kula wadagayaan shacabka Muqdisho.

 

Fanaaniintan oo kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Cirro Bakaal, Xamda Queen iyo C/raxmaan Oday ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Fanaanka Nimcaan Hilaac oo ciiddii la soo dhaafay bandhig faneed ka dhigay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu mar kale ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo ay weheliyaan asxaabtiisa Kooxda Xidigaha.

 

Sidoo kale C/raxmaan Oday ayaa isna sheegay in shacabka Muqdisho ay kula dabaal degayaan farxada ciida, ayna aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan caasimadda Soomaaliya.

 

Maxamed Axmed Bakaal “Cirro” ayaa ka mahad celiyay sidii diirneyd ee loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 Xidig1

Fanaanada Xamda Queen oo sheegtay in ay tahay markii u horeysay ee ay Muqdisho timaado ayaa xustay inay faraxsantahay, ayna uga mahad celineyso taageerayaasheeda sidii wacneyd ay u soo dhaweeyeen.

 Xidig3

Ugu dambeyn Fanaaniintan ayaa uga mahad celiyay Hey’adda CCD inay gacan ka geysatay imaanshahooda magaalada Muqdisho, ayna ku faraxsan yihiin inay bandhig faneed ay qaban doonaan habeenka Ciida.

 

Fanaaniintan ayaa fadhiguudu yahay caasimada Somaliland ee Hargaysa iyagoo dhawr jeer isku dayay inay Muqdisho tagaan laakiin ay u suurtoobi wayday,kadib markii qaar ka mid ah oo uu ku jiro guddoomiye Xassan Dhuxul Laabsaalax lagu xidhay Madaarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Fanaaniintan ayaa inta badan waxa gacanta ku haysay xukuumadda iyo Tvga Hctv kuwaasi oo ka qayb galin jiray barnaamijyada madadaalada ah ee fankooda ku saabsan wallow dhawr jeer ay labadaba is khilaafeen.

Fanaaniintan ayaa taageerayaal xoogan ku lahaa gudaha Somaliland,kuwaasi oo niyad jab ka muujiyay mar ay barnaamij u qabteen tiifiiga Somaaliya, kuwaasi oo iska lumiyay Taageerayaal badan .Xidig1 Xidig2  Xidig4 Xidig5