Dowladda Taiwan oo u mahad-celisay waddamo Somaliland ku jirto oo La Qaybsaday Murugada Masiibadii Shilka Tareenka  

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Taiwan ayaa 92 waddan oo Somaliland ku jirto uga mahad-celisay dhambaallo tacsi ah oo ay kula wadaageen murugada khasaare ballaadhan oo ka soo gaadhay Shil tareen oo maalintii Jimcaha ka dhacay Bariga dalkaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, waxa ay dowladda Taiwan u mahad-celisay 745 qof oo isugu jira masuuliyiin dowladeed iyo madaxda Ururro Caalami ah.

Shilka oo ka dhacay Woqooyiga magaalada Haulien waxa ku geeriyooday 50 Qof halka 200 kalena ku dhawacmeen. Waxaanu noqonayaa shilkii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca muddo 40 sanno ah, sida ay shaacisay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan.

Tareenka oo ahaa nooca xaawaraha dheereeya ku socda, ayaa la sheegay inay saarnaayeen 490 qof, waxaana sababta shilka lagu sheegay kaddib markii mid ka mid ah qaybaha uu ka kooban yahay jidka la leexday xilli uu hoos-marayey meel buundo ah.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ahna Wasiir ku-xigeenka wasaaradaas Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa isagoo ku hadlayey magaca Dowladda iyo Shacabka, waxa uu Jimcihii dhambaal tacsi ah u diray dowladda Taiwan.

“Waxa aan aad uga xun nahay warka naxdinta leh ee shilka tareenka ee Bariga Taiwan. Xilligan murugada iyo khasaaraha ku jirtaan, waxaan idiin xaqiijinaynaa isku duubnideena, tacsi tiiraanyo leh ayaan la wadaagaynaa qoysaska dhibbanayaasha iyo umadda aan walaalaha iyo saaxiibtinimada nahay ee Taiwan,” sidaas waxa uu Wasiirku ku sheegay dhambaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxda dhambaallada tacsida ah u diray ee dowladda Taiwan mahad-celinta u jeedisay waxa ka mid ah Raysal-wasaaraha dalka Haiti Joseph Jouthe, Raysal-wasaaraha dalka Saint Vincent & the Grenadines, Ralph Gonsalves, Colville Young, madaxweyne ku-xigeenka Honduras  Maria Antonia Rivera, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Saint Kitts & Nevis,  Wasiirka Arrimaha Dibadda  Guatemala, Raysal-wasaare ku-xigeenka Latvia  Artis Pabriks, Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Liban Yusuf Osman, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Singapore, madaxweyne ku-xigeenka Baarlamaanka Midowga Yurub Nicola Beer, Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Slovakia Gabor Grendel iyo sidoo kale dalalka Solomon Islands, Estonia, Kosovo, Denmark, Jordan, Bahrain, Boqortooyada Sucuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Cumaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net