Dowladda Ingiriiska oo Gacan Ka Geysanaysa Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo Shuf-beelay

London (SLpost)- Raysal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in uu aad uga murugooday dabka galaaftay suuqii ugu waynaa Somaliland ee Waaheen, isagoo sheegay in dowlada Ingriisku gacan ka gaysan doonto dib u dhiskiisa.

Raysal-wasaare Boris ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ay murugo galisay in uu arko dhibaada uu dabku u gaystay suuqa Waheen ee Hargaysa, isaga oo sigaar ah u xusay dhibka gaadhay ganacsatada ku caydhoobay.

”Waxaa i murugo galisay in aan arko khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay Hargaysa ee khasaaraha intaa leeg u gaystay suuqan furan oo ahaa wadnaha dhaqaalaha magaalada, kaasi oo saameeyay ganacsiyo yar yar oo badan”, sidaas ayuu yidhi Boris Johnson.

Waxa uu sheegay in Hargeysa dib loo dhisi doono isla markaana ay dowladiisu gacan ka gaysan doonto dib u dhiskeeda, waxaanu yidhi, “Magaaladiinu dib ayay u soo noolaan doontaa, UK-na waxay qaban doontaa wixii ay awooddo inay ku taageerto dedaalka dib u dhiska ee Somaliland waddo”.

Masiibada dabka burburiyey Waaheen, waxa kale oo ka dareen-celiyey Masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingriiska oo uu ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda UK Lis Truss, Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan UK, Vicky Ford, Wakiilka UK u jooga Somaliland Lizzy Walker iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska.

“Waa War naxdinta leh dabka khasaaraha badan geystay ee ka kacay magaalada Hargeysa ee Somaliland oo hadda lagu guuleystay in la xakameeyo.

UK waxay la shaqaynaysaa maamulka iyo saaxiibada caalamiga ah si ay taageero ugu raadiyaan taageero. Waxaan murugada la qayb-sanayaa dhammaan dadka ay saameeyeen.” Sidaas waxa tidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK Liz Truss.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net