Berbera, (SLpost)- Doonidii tobnaad oo sida in ka badan 524 qof oo ah qaxoontiga kasoo cararaya colaada dalka Yemen, kuwaasoo u badan dad soomaali ah ayaa shalay soo gaadhay dekeda magaalada Berbera, halkaasoo ay ku qaabileen masuuliyiinta gobolka Saaxil, ku dekedda iyo degmadaba.
Doonidan ayaa dadkan qaxoontiga ah kazoo qaaday dekeda magaalada Mukha, waxaanay u badan u yihiin dumar iyo carruur, waxaanay sheegeen masuuliyiinta qaabishay inay u sii gudbayaan dalka Soomaaliya.
Dadkan tabaalaysan ee qaxoontiga ah ayaa la dejiyay goob ay ku nastaan saddex maalmood, waana doontii tobnaad ee sida qaxoontiga kazoo barakacaya dagaalka dalka Yemen.
Somalilandpost.net