Djibouti Iyo Somaliland Oo Heshiis Xaga Amniga ah Kala Saxeexday

Djibouti (SLPOST)Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, iyo wefti uu hogaaminayay ee socdaalka shaqo

nuxurka-kulan-saylac-ku-dhexmary-somaliland-iyo-djibouti-

 ku joogay  dalka Jabuuti ayaa dhigiisa waddanka  Jabuuti la saxeexday heshiis iskaashi oo labada waddan isku waafaqeen inay iskaga kaashadaan sugida ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Heshiiskan maanta magaalada Jabuuti ku dhex-maray laba dawladood waxaa qalinka ku duugay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Warancade iyo Wasiir arrimaha gudaha Jabuuti  Md.Xasan Cumar Maxamed.

Wasiir Cali Waran-cadde,ayaa saxaafadda u sharaxay heshiiska labada dawladood kala saxeexdeen waxaanu yidhi “Waxaan  ku faraxsan nahay in aanu maanta halkan ku kala saxeexano heshiish ka kooban dhowr qodob  oo aanu la galnay annagoo ka wakiil ah labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti, heshiiskani waxa uu xooga saarayaa sidii labada dal wada shaqayn uga yeelan lahaayeen sugida ammaanka, isu-socodka labada shacab sidii loo fududayn lahaa iyo la dagaalanka Argagixisadda. waxa kale oo aanu ka wada hadlaynay  arrinta kootarabanka iyo wixii dhibaato labada wadan ku ah inaanu iska kaashano, waana  talaabadii u horaysay ee Somaliland iyo Jabuuti iska kaashadaan waxaan filayaa inaanay noqon tii u dambaysay,”

Md.Cali Waran-cade waxa uu ku dooday inay labada dawladood ka shaqaynayaan sidii loo hirgelin lahaa heshiiskan,isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“labadayada wasiirna waxaan balan qadaynaa sidii aanu iskugu soo dhawayn lahayn laba shacab iyo labada dawladood oo wada shaqayntoodu noqota mid midho dhala.”

Labada Wasiir waxay  kormeer ku soo mareen  xarunta taliska ciidamada booliska Jabuuti, halkaas oo ay salaan sharaf  kaga qaateen ciidamada booliska Jabuuti, waxaanay ciidamada booliska Jabuuti halkaasi ku soo bandhigay qaababka ay uga hortagaan mudaharadyada.

Weftiga uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade waxa socdaalkiisa Jabuuti ku wehelinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland