Dibloomaasiyiin reer Galbeed ah oo isaga Dareeray Khudbad Madaxweynaha Iiraan Ka Jeedinayay Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Iiraan

New York, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan Maxamuud Axmedii Najaad ayaa khudbad uu si kulul ugu weeraray dalalka reer galbeedka, gaar ahaan dalka Maraykanka maanta ka jeediyay xarunta guud ee Qaramadda midoobay, taas oo sababtay in dublamaasiyiintii dalalka reer Galbeedku cadho darteed uga dareeraan madasha, khudbadii oo socota.

Madaxweynaha Iiraan
Dibloomasiyiin reer Galbeed ah

Madaxweynaha dalka Iiraan Maxamuud Axmedii Najaad, ayaa markii uu bilaabay khudbadiisa isla markiiba si kulul ugu weeraray dalka Maraykanka, oo uu ku tilmaamay mid dunida dhibaato ku haya, waxa uu sheegay in dagaalo iyo dhaqaale xumo uu dunida Maraykanku ku asqaysiiyay, sidoo kale waxa uu si kulul u canbaareeyay doorka taageerada indho la’aanta ah ee dalalka reer galbeedku isla barbar taagaan dalka Maraykanka.

Madaxweyanah dalka Iiraan ayaa khudbadiisan baaq ugu diray dalalka reer galbeedka, oo uu ugu baaqay in magdhow siiyaan dadka ay ku xad gudbayaan iyo wadamada ay dagaalka ku qabsadeen ee ay burburiyeen, noloshoodi, dhaqaalahoodi iyo qiyamkoodi dawladnimo.

Axmed Najaad ayaa sidoo kale weeraradii 11-kii September 2001-dii lagu qaaday magaalooyinka Washington iyo New York ku tilmaamay kuwa Maraykanku qorsheeyay oo uu uga dan lahaa sidii uu duulaan ugu qaadi lahaa dalalka Ciraaq iyo Afghanistan, sidoo kale waxa uu tilmaamay in mugdi ku jiro weeraradaa dhacay 11-kii September 2001-dii, in si madax banaan loo baadhana dunidu u baahan tahay.

Khudbada madaxweynaha dalka Iiraan ayaa markii uu ka hadlay dalka Israel waxa madasha ka dareeray dublamaasiyiinta dalalka reer galbeedka iyo Israel ka fadhiya ee ku sugnaa fadhiga, hasa yeeshee Axmedii Najaad wuu iska sii watay khudbadiisa, waxaanu sheegay In reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriisku ay Israel u haystaan wax muqadas ah, kuna taageeraan dulmi kasta oo ay samayso iyagoo indhaha iska qabanaya xuquuqda umaddaha kale ee gobolka ku dhaqan.

Waa markii labaad ee ay dhacdo in dublamaasiyiinta reer galbeedku ka dareeraan khudbad uu jeedinayo madaxweynaha dalka Iiraan Maxamuud Axmedii Najaad, waxaana dhacday in wakhti kale oo uu ka hadlayay xarunta Qaramada midoobay ay ka dareereen dublamaasiyiinta reer galbeedku, isla markaana qaar ka mid ahii ku qayliyeen si aan khudbadiisa loo maqal, hasa yeeshee wuxuu mar walba iska sii wataa canbaarayntiisa aan kala go’a lahayn.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net