“Dib-u-dhaca Doorashooyinka Xisbiyada ayaa ka dambeeya..” Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan

 

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta furay Kalfadhigii 71aad ee Golahaas, ayaa sheegay in doorashada Wakiilada iyo Golayaasha deegaanku ay ku qabsoomi doonto xiligii loogu talo galay, waxase uu masuuliyadda dib-u-dhaceeda dusha ka saaray Xisbiyada Siyaasadda.

Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arimo amaan daro ah oo ka taagan bariga gobolka Sanaag oo uu tilmaamay in ay faraha ka bixi doonto hadii Xukuumada iyo Golahooda Guurtidu ay si dhakhso ah uga hawlgali waayaan.