DHEGAYSO: Xukuumadda oo muddeysay Wakhtiga uu bilaabmayo Wejiga labaad ee Mashruuca Biyo-gelinta Caasimadda ee Xumbo-weyne

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shacabka reer Hargeysa ugu bushaareysay inuu dhowaan bilaabmayo wejigii labaad ee mashruuca biyo-gelinta caasimadda Hargeysa ee Xumbo-weyne oo maal-gelintiisa uu bixinayo urur-samogal oo laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Biyaha iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle oo uu weheliyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday in si rasmi dhowaan loo bilaabi doono wejiga labaad ee Mashruuca biyo-gelinta Xumbo-weyne ee duleedka Woqooyi-Bari ee Caasimadda Hargeysa.

DHEGAYSO CODKA