DHARAARO XUSUUSTOOD (Prof Maxamed Siciid Geed – Qaybtii 13aad) ~ “Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu ahaa Axmed Cabdi Xaabsade oo Harti ah, Madaxweynuhu waxa uu ahaa…”

Waxayi iguma soodego

Haddana wax ima seegaane

(Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac Lugooyo)

Maxamed Siciid Gees
Maxamed Siciid Gees

“Somali History has demonstrated that serious disorders have often been traced ,not to any malfunction of the Somali System of Authority ,but to the unimaginative application of alien system of government that have undermined it. “John Drysdale, the Somali Dispute (London; Pall Mall 1964 p21). Waxa hadalkaasi qoray John Drysdale, haddii Soomali loo tarjumo waxa uu noqonayaa sidan: “Waxa taariikhda Soomaalidu muujisay in dhibaatooyinka soo gaadha bulshada Soomaaliyeed aanu keenin dhaqankood soo jireenka ahi ee ay isku maamulaan; hase yeeshee ay dhibaato ka dhalato marka nidaamka qalaad ee dawladnimo loogu dhaqmo, si garaad-xummi ah oo ka horimanaysaa dhaqankaas hore ee bulshad.”

Waxa arrintaas ka marag kacaya burburkii uu keenay nidaamkii askarta ee Hanti-wadaagga lagu sheegay iyo kii Nidaamkii Daraawiishta ee diimiga lagu sheegay. Waxa horumarka iyo nabaddu ku jirta isla jaanqaadka hab-dhaqanka beesha ku dhisan ee hadda bulshadu ku nooshahay iyo habka maamulka dhexe ee casriga ah ee la higsanayo. Waxa uu kala hiilin doona isbeddelka wax-soo-saarka dhaqaale ee bulshaddu hadba heerka uu gaadho. Inta ka horaysa waa inaanay kala xidhiidh furan labada hab ee la isku wadaa si xeegona, xeego u noqoto ilkana u badbaadaan.

Shirkii Boorame ee Dawladda Somaliland lagu soo dhisay waxa uu ahaa shir beeleed. Waxa lagu ansixiyey Axdi-nabadeed iyo Axdi-qarameed. Labadaas AXDI oo saldhig u noqday dhismaha nabadda iyo maamulka dawladda Somaliland. Beelo ahaan ayaa wax lagu qaybsaday oo lagu heshiiyey.

Waxa dhacday in markii muddo laga jeegay shirkaas Boorame uu khilaaf ka dhex-dhacay Madaxtooyadii iyo Guddoomiyihii Golaha Wakiillada arrintii qoritaanka Dastuurka oo la isku qabsaday. Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu ahaa Axmed Cabdi Xaabsade oo Harti, Madaxweynuhu waxa uu ahaa Marxuun Cigaal oo Isaaq ah. Xeer-hoosdaadka Goluhu waxa uu dhigayey in codayn hal dheeri ah lagaga xayuubin karo xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waqtigaas. Sidaas darteed ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii iyada oo madaxtooyadu gadaal ka riixayso, taasi waxay keentay in dad badan oo magac ku lahaa Gobalka Sool ay ka diidaan Somaliland oo kalsooniidii beeluhu lunto dadkii reer Soolna ay fogaadaan.

Golihii Wakiillada ee la soo xushay sannadkii 1997, markay dejinayeen Xeer-hoosaadka Golaha waxay adkeeyeen xil-ka-qaadidda Guddoomiyaha Golaha oo ka dhigeen in marka saddex meelood oo laba meelood ka codayso uun xilka laga qaadi karo. Arrintaas waxay keentay in Marxuun Axmed Maxamed Qaybe uu Guddoomiye Golaha u ahaado Siddeed sannadood. Golihiina uu noqdo kii ugu wax-soo-saar badnaa ee Ansixiyey Xeerarka Dalku ku shaqeeyo; haddii ay dhinaca maamulka tahay iyo haddii ay dhinaca doorashooyinka tahayba.

Golihii Wakiillada ee la soo doortay 2005-tii, labadii xisbi mucaarad ee isbahaystay (KULMIYE & UCID) waa ay yeeli karayeen inay Guddoomiye Harti ah u doortaan Golaha, mase ay yeelin, deeto waxa soo baxay sawirka hadda jira ee Afartii Dhardhaar ee Qaranku ay wada noqdeen kuwa ka soo jeeda beesha Isaaq (marka ay talada dalku ku koobanto Beelaha Isaaq oo beelaha darafyada laga fogeeyo waxba qaldama). Waxa la hilmaamay Hab-dhaqankii beelaha. Habka qalaad ee kala badnaanta wax lagu qaybsado (Majority Rule) ayaa la dabaqay.

Marxuun Cigaal ayaa kulan maalin noogu yeedhay afar aan ku jiro. Xilligaas oo aan ahaa Wasiirka Maaliyadda. Saddexda mudane ee kale waxay kala ahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada waqtigaas oo ahaa Cabdilqaadir Jirde , Axmed Jaambiir Suldaan oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Dr. Cabdi Aw Dahir oo ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha.

Waxa jirtay in marar badan uu khilaaf ka dhex jiray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wakiillada oo Marxuun Qaybe ahaa, haseyeeshee aan soo shaacbixin. Waxa iyana jirtay in Marxuun Qaybe uu codsi u soo qortay kharash caafimaad oo dibedda ah Wasaaradda Maaliyadda, ogaysiinna uu siiyay Madaxweynaha. Arrintaas ayuu kulankan u qabtay Marxuun Madaxweyne Cigaal. Waxa uu hadalkii ku bilaabay cabasho uu ka cabanayo Marxuun Qaybe, deeto waxa uu soo qaaday codsigan qarashka oo na weydiiyey waxa laga yeelayo.

Cabashadu ma ahayn mid ka timid dhinaca shaqadda ee waxa dhaliyey warar looga keenay Guddoomiyaha. (dhinaca ayaan sheekada kala socday oo Nin Marxuun ay qaraabo dhaw ahaayeen Qaybe ayaa ka dambeeyey wararkaas isku dirka ah.)

Halkaas marka xaal marayo ayaan anigu hareerahayga eegay, mise waxa aan dhex fadhiyaa afar nin oo Isaaq ah. Ninka laga hadlayaana waa nin Harti ah. Sidaa darted, taladii ayaan hororsaday oo soo jeediyey in qarashka caafimaadka la siiyo wax kasta oo jira anoo filaya in hadal la iga sugayo.

Sidii aan filayey ayaa seddexdii mudane u taageereen taladaydii (Waa dhaqan dadka mandaqaddu leeyihiin in la isku ixtiraamo talada marka goobta lagu kala badan yahay). Madaxweyne Cigaal taladayadii ayuu nagu raacay, wax kasta oo uu markii hore qabayba. Waxa uu markaas ka sheekeeyey isaga oo wax hibanaya, xidhiidhkii Mudane Qaybe ka dhexeeyey.

Waxa uu sheegay inay isbarteen 1956 isaga oo Qaybe dawladda hoose ee Berbera Xoghaye loogu soo beddelay, Cigaal oo markaas ganacsade ah oo xoolihii reer Xaadhxaadhato maamula, halkaas ayey isku barteen labada marxuun.

Waxa Qaybe loo diray tababar si uu u noqdo karaaniga Golaha Wakiillada ee Soomaaliland. Hase yeeshee markii labadii dal ee kala ahaa “Republic Of Somaliland” ee xornimadeeda qaadatay 26-kii June, iyo “Republic of Somalia” oo iyana qaadatay xornimadeeda 1dii July ay ku midoobeen” Somali Republic,”ayaa fursado badani soo baxeen, deeto Qaybe waxa uu ka hawooday karaanimadii waxa uuu doonay inuu safiir noqdo.

Waxa uu markaas u yimid marxuun Cigaal oo weydiistay in uu wax kala qabto arrintaas. Waxa Cigaal sheegay in labada dal ee isku biiray ay kala hogaaminayeen isaga oo Maxamed Ibraahim Cigaal ah iyo Cabdulaahi Ciise Maxamuud, hase yeeshee labadoodiiba waa laga tegay oo waxa Madaxweyne iyo wasiirka kobaad loo kala doortay Aadan Cabdule Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Markay sidaasi dhacday ayaa Madaxweyne Adan Cadde uu Cabdirashiid oo dawladdii dhisaya ku yidhi Cigaal ka dhig Wasiirka Arrimaha Dibadda. Markuu Cabdirashiid arrintii ii sheegay ayaan haddaan Cigaal ahy ku celiyey oo ku idhi jagada sii Cabdulaaahi Ciise isaga ayaa iga mudan eh (Waa ninkii loogu heesi jiray Cabdulaahi ciise Caddanka Dhexdooda,Ninkaas cabanaaya allow caawiyeey waagii uu jimciyadda qaroomaha oo markaas uun la dhisay uu qadiyadda Soomaalida geeyey).

Sidaas ayuu ku noqday Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee ugu horreeyey ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed yeelato. Cigaal isaga oo sheekadii sii wata waxa uu yidhi anaga oo abaalkaas ku leh Cabdullaahi Ciise oo jagadii u dhaafay uuna ogsoon yahay ayaa Qaybe ii yimid, deeto waa ka wasdeeyey sidaas ayuu Mudane Axmed Maxamed Qaybe uu ku noqday safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee dalkii Midawga Soofiyeetka ee Moosko caaasinmadiisa ahayd.

Muddadii shanta sannadood ahayd (1997-2002) ee labada Marxuun ay xilka isku soo gaadheen dhinacan Somaliland, khilaayo ayaa jiray dhexdooda, hase yeeshee marna dibadda uma soo bixin oo warbaahinta ma soo gaadhin. Waxay ahaayeen facii hore ee Siyaasadda galay ee hayey anshahii iyo hab-dhaqankii dadka Soomaaliyeed. Waxay illaalin jireen milgaha iyo hab maamuuska dhaqanka ah ee leh xormaynta waayeelka, xididka, inaan-layaalnimada, tolnimada , qaraabanimada, madaxnimada iyo aqoonta cilmiga iyo diinta.

Hadda facan siyaasiinta cusub ihi waxaas oo dhan ma eegaan ee afka ay gacanta geliyaan oo wax kasta ku hadlaan, muxaafid iyo mucaaridba. Waxa jiitay dhaqankii qalaad, waxana kala xidhiidh furtay labadii hab, dhibaatona halkaas ayey ka dhalataa ee bal aan dhawrno waayaha!!!