Dhalinyarada Aqoonyahanka Ah Ee Gobolka Maroodi-Jeex Oo Soo Dhaweeyey Magacaabista Agaasimaha Guud Ee Duulista Hawada

Hargaysa(SLPOST)Dhalinayarada Aqoonyahanka ah ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa si weyn u soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Wasaarada Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Cabdillaahi Aadan Qalinle oo khamiistii Madaxweyne Siillaanyo magacaabay.

Kulan balaadhan oo dhalinyaradan ku qabatay shalay Huteel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay ku bogaadiyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) magacaabista Agaasimaha cusub ee Wasaarada Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Cabdillaahi Aadan Qalinle, kaas oo ay tilmaameen inuu yahay aqoonyahan dhalinyaro ah oo ka soo bixi karo xilka loo magacaabay.

s3

Fahad Koosaar oo ka mid ahaa dhalinyarada soo qaban qaabisay xafladan soo dhaweynta ahayd, ayaa sheegay in ay munaasibadaasi u qabteen in ay Madaxweynaha ku hambalyeeyaan doorka muuhiimka ah ee uu markasta siiyo dhalinyarada Somaliland “Waxa aanu kulankan u qabanay in aanu ku soo dhaweyno Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Cabdillaahi Aadan Qalinle, oo madaxweynuhu xilkaasi u magacaabay shalay (doraad), waxaanu madaxweynaha ku bogaadinaynaa sida uu markasta dhalinyarada xilalka muhiimka ah ugu magacaabayo.  Cumar Cabdillaahi Aadan Qalinle, waxaanu leenahay illaahay xilka ha ku fududeeyo.” Ayuu yidhi Fahad Koosaar.

Cabdicasiis Maxamed Jaamac oo ku hadlayey afka Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee kulankaasi ka soo qayb galay, ayaa ku tilmaamay in ay dhalinyarada Somaliland farxad weyn u tahay in ay arkaan dhalinyaro ka mid ah iyaga oo xilal madaxweynuhu u magacaabayo, taasoo uu xusay in ay dhiiri gelin u tahay dhalinyarada wax baratay ee dalka joogta, waxaanu yidhi “Waxaan halkan uga hambalyeynayaa Agaasimaha cusub ee Duulista, oo ah indhalinyaro ah oo firfircoon horena u ahaa Maareeyaha Madaarka berbera, waxaanan illaahay uga baryayaa inuu xilka u fududeeyo, madaxweynahana waan ku bogaadinayaa magacaabista Cumar-sayid”

s2

Maareeye ku  xigeenka Hay’adda korontada Somaliland Cabdilaahi Yuusuf Cilmi oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee loo magacaabay Wasaarada Duulista, waxaanu sheegay inay Xukuumadda hada ee talada haysaa ay door muuqda dhalinyarada ka siisay  xukuumadda waxaanu yidhi  “Marka hore waxaan aad u hanbalyeynayaa Agaasimaha cusub ee Wasaarada Duulista waxaad moodaa inay xukuumadda hada joogta ay u soo jeedsaday dhalinyarada iyo aqoonyahanka inay  xukuumadda ka siiso saamiga ay ku lahaayeen,  waxaana halkan ka cad in madaxweynuhuna dhiiri gelinayo qalinka iyo dhalinyarada waanan uga mahad naqayaa, waxaanan leeyahay dhalinyarada madaxweynihiinii ayaa idiin soo jeedsaday ee dalkiina jooga oo sixir ka hooseeya ka laydin siiyey haysku dhufanina oo ha tahriibina.”

Maxamed Axmed Kaahin oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey xilka uu u magacaabay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Duulista  Somaliland Cumar Cabdillaahi Aadan Qalinle, isaga oo uga baryey illaahay inuu xilka u fududeeyo.

Maxamed Axmed Kaahin, waxa uu dhalinyarada Somaliland kula dardaraamay in ay dalkooda aaminaan, isla markaana wax bartaan oo ay ku daydaan dhalinyarada wax baratay ee madaxweynuhu xilalka kala duwan u magacaabay.

s1

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo munaasibadan ka hadlay ayaa dhinaciisa u hanbalyeeyey agaasimihii hore halka uu ducana u diray agaasimaha cusub ee wasaarada duulista waxaanu yidhi   “Waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa agaasimihii hore ee wasaarada duulista ee mudada ka soo shaqeeyey wasaaradaas, waxaanan u ducaynayaa agaasimaha cusub ee wasaarada duulista oo aan ilaahay uga baryayo inuu xilkaas loo magacaabay u fududeeyo,”

Ugu dambeyn waxa ka hadlay munaasibadaasi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada, ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaanu Madaxweynaha ku bogaadiyey xilalka kala duwan ee uu dhalinyarada Somaliland u magacaabo, waxaanu yidhi “Ujeeddada ay daarnayd munaasibadani waxay ahayd inaynu hanbalyeyno oo aynu ku bogaadino xilka loo magacaabay Agaasimaha cusub ee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland, madaxweynahana uga mahad celino fursada uu siiyey ninkaa dhalinyarada ah ee aqoonyahanka.”

Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Madaxweynaha waxaynu uga mahad celinaynaa Magacaabista uu Cumar Sayid u magacaabay  Agaasimaha guud ee wasaarada duulista iyo hawada somaliland, waxaana inoo farxad ah inaynu dhalinyarada oo dhan halkan ka sheegno in door weyn la siiyey, madaxweyne Siilaanyo-na markii la dooranayey waxa uu ka mid ahaa dadka ugu waaweyn ee Somaliland markaa dad badan ayaa filayey inuu soo xuli doono  dad waaweyn oo dadkii ay isku tiimka ahaayeen, hase ahaatee arintasi waxay beenawday markiii uu soo baxay liiskii ugu horeeyey ee golaha wasiiradu uu magacaabay kaas oo u batay dad yaryar oo aan hore xilba u qaban kuwaas oo karti iyo aqoonba lagu tuhunsana, dadkii isaga la soo shaqeeyey ee ay saaxiibada ahaayeena uu ka dhigtay saaxiibo iyo la taliyayaal isaga oo jaaniska siiyey dhalinyarada.”

Waxa iyagana munaasibadaasi ka hadlay dhalinyaro door ah, kuwaas oo dhamaantooda soo dhaweeyey Magacaabista Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Duulista  Somaliland Cumar Cabdillaahi Aadan Qalinle, waxaanay Madaxweynaha ku bogaadiyeen magacaabistiisa.

Somalilandpost.net

Hargaysa