“Dawladda Somaliland In Ay Ka Hortagto Maryaha Buluuga Ah, Waxay Ka Door Bidday In Aanu Ku Dhiman Gacanta Dawladda Muwaadin Reer Somaliland Ah”

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse oo hore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadii axmed siilaanyo ayaa ka hadlay xaalada ka taagan magaalada laascanood iyo qaabka ay xukuumadu uwaajahday dajinta dadka iyo isku dhac ka yimaada garaadada lagu soo dhawaynayo ee sita calanka Soomaaliya.

Sidoo kale Siyaasi Shucayb ayaa Bogaadiyay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland oo maanta bulshada U bayaamiyay qaabka ay ciidamadu uga hawlgaleen ilaalinta amniga Laascaanood Oo madax-dhaqameedka Sool iyo Buuhoodle Shir ku qabsanayaan.
Siyaasiga oo Arrimahan kaga hadlay Qoraal kooban, waxa uu yidhi:- “Laascanood Caasimada Gobolka Sool Xaalkeedu Wuxuu Iila Muuqdaa??? Baryahan Waxa Magaalada Laascanod Ka socda, Xaalado Aan Qurux Badnayn Muuqaal Ahaan, lakiin Sida Dadbadani U Arkayaan Aan Ahayn.

Magaalada waxa ku Soo qulqulaya,Rag Garaado Ah Oo Qaarkood,Garaacayaan Durban Colaadeed,iyo Kicin Bulshada magaalada ah,oo aanay garanayn Dhib iyo Dheef midka Ay Helayaan,Waxa nimankaasi Ka muuqata In Aanay darsin Ama ku xisaabtamin,in Aanay Waxba u Goynayn,Durbaankan Ay Tumayaan.

Dhinaca kale,ma garanayaan gacanta Xoogan Ee riixaysa,In magaaladu Fawdo noqoto ay ka dhigataan Gabbaad,qoloyo meelo kale ku soo jabay. Garaadadu kaliya Waxay ka fakareen,Meel Dhaw iyo Faker Aan U shaqayn Karayn ,oo ah In Aanay ku xisaabtamin Xaalada ku xeeran ,Gobolka.

Dawlada jamuhuriyada Somalilandna in ay ka hortagto maryaha Buluuga Ah ,Waxay ka door bidday in Aanu ku dhiman Gacanta Dawlada Jsl muwaadin Reer Somaliland Ahi ( reer Laascanod ah). Hadeerna Dawladu ,Indho Qudhaanjo Ayay leedahay, Wayna Lo socotaa Hawlaha magaalada ka socda/

Waxay ka dhigan tahay Libaaxa,marka Ay ku Soo Ururaan Xayawaanka,loo Yaqaano Yayga , Libaaxu wuxuu Matalaa inuu seexday xataa Haday Dhrgta Biyo Kaga Shubaan Uma Koco. Waxa kale Oo ay jamhuuriyada somaliland uga dhigan tahay,Cid kasta oo rabshad ka wada magaalada Laascanod,Jiir Godka Dushiisa Lagu Sugayo inta Uu Godka ka galayo.
Waxkaste oo jiirku guriga Ka cuno,waxa Soo Af Meera Marka Uu godkaasi Galo jiirku,Arinkiisu noqdaa by-by.

Dhinaca kale Abwaan maxamed xaashi Dhamac ( Gaarriye) wuxuu yidhi :-
Ninka Doorkan Maanta Ah U dooyaystay Madaxnimo
Uba Diidi Maynnee Horta Mee Dalkii Iyo Dadkii Uu Xukumi Lahaa.

Waxa kale oo Aan Hambalyaynayaa Hadalkii Maanta Ee Taliyaha Ciidanka Qaranka Jsl Sareeyo Gaas Nuux Ismacil Taani kaasi oo wax badan, Bulshada u iftiimiyay.

Gabogabdii waxa kale oo Aan meesha Ka maqnayn In Beelihii, Ilaahay dajiyay,Ku Abuuray Magaalada Laascaanood ee Horumarku U Socday,kuwaasi oo Lahaa Ganacsiga ,Jaamacadaha ,schoolada, Lagu Soo Duulay,oo Ay,ku Soo duuleen Beelo,u Sheeganaya Inay La hayb yihiin,Kuwaasi Oo kaga Cayaaraya, Nolosha, iyo horumarka, wanaagsan Ee ay mudada Dheer Dhisanayeen.

Muhiimadu waxay tahay ma garan doonaan Ama Fahmi Doonaan,Qolyahaasi Ku Soo Duulay Nabadooda,iyo horumarkooda. Waxa Suuro gal Ah,In Maalmaha Soo socda Arintaasi Laysla fahmi Doono, Oo ay dadkaasi isku caqli celin doonaan.” Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Shucayb.