Dawladda Burundi Oo Guud Ahaan Xidhay Baraha Bulshadu Kuwada Xidhiidho

Bujumbura, (SLpost)- Dalka ayaa guud ahaanba waxay dawladdu xidhay baraha bulshada ee lagu wada xidhiidhi (Social media), ka dib markii ay hadheeyeen mudaharaadyo aan kala joogsi lahayn oo lagaga soo horjeedo inuu dib jagada madaxweynenimo isugu soo taago madaxweynaha haatan ee dalkaas Pierre Nkurunziza.Social

Hawl-wadeennada wakaalada isgaadhsiinta ayaa sheegay in lagu amray inay xidhaan baraha bulshadu ku wada xidhiidho, website-ka qaarkood iyo farriimaha telefoonka gacanta la isugu diro.

Xidhitaankan baraha bulshada ee dalka Burundi ayaa timi ka dib, markii dhawaan ay xoog ku qabsadeen mudaharaadayaashu saddex ka mid idaacadaha magaalada Bujumbura, kuwaasoo lagu qasbay inaanay waxba baahin.

Somalilandpost.net