Dalka Soomaaliya oo Markiisii ugu Horaysay si Toos ah Ciyaar Telefishanka Looga Daawanayo

 

Muqdisho(SLpost)Markii ugu horeysay taariikhda cayaaraha kubadda cagta Soomaaliya, ayaa cayaartii ugu horreysay waxaa si toos ah (LIVE) looga daawan doonaa Soomaaliya toddobaadkan.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay xidhiidhka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa lagu sheegay in dhammaan diyaar garowgii loo baahnaa la sameeyey si cayaarta kama dabeysta ah ee koobka General Daa’uud si toos ah looga daawado taleefishinka qaranka Somalia ee SNTV.

 

Cayaartan kama dambeysta ah ayaa waxa ay dhex mari doontaa kooxda Milatariga Soomaaliye ee Horseed iyo kooxda kubadda cagta Booliiska ee Heegan FC.

 

Xidhiidhka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa tani ku macneeyey tallaabo weyn oo hore loo qaaday, kadib sanado badan oo sharci darro iyo degenaansho la’aan ay ka jirtay Soomaaliya.

 

Soo gudbinta cayaartan tooska ah ayaa waxaa iska kaashanaya xidhiidhka Soomaaliya ee kubadda cagta, taleefishinka qaranka Soomaaliya iyo Horn Connect oo fududeyneysa.